Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Biayaha JSL Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel-biyood Laga Hirgeliyey Deegaanka Ceel-bilcinle Ee Gobolka Daad-Madheedh.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil ayaa xadhiga ka jaray Dhaam biyood laga hirgeliyay deegaanka Ceel-bilcinle oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh.

Dhaam biyoodkaas ayay hirgelisay hay’adda UNDP, isu duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee gobolka Daad-madheedh Maxamed Colaad ayaa hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland uga mahadceliyey dedaalka ay ku bixiyeen sidii deegaankaas looga hirgelin lahaa Ceel-biyood ay umaddu ka cabto.

Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Ceel-bilcinle ee gobolka Daad-madheedh Cabdiweli Muxumed Aadan ayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adda UNDP uga mahad-naqay Dhaam biyoodkaas cusub ee laga hirgeliyay deegaanka Ceel-bilcinle oo uu sheegay in ay baahi weyn u qabeen.

Waxa iyana halkaas ka hadashay xubin ka socotay shirkadda dhistay Dhaam biyoodkaasi oo u mahad naqday cid kasta oo kala shaqaysay qodista ceel biyoodkaas, iyadoo dadka deegaanka ku bogaadisay sidii fiicnayd ee ay u gala qayb qaateen hawshaasi.

Geesta kale, Engineer Mawliid Mooge agaasimaha waaxda ceelasha ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa hay’adda UNDP ku ammaanay Dhaam biyookaasi laga suurto geliyay deegaankaasi, isaga oo tilmaamay in ay kala wareegi doonaan hay’adda UNDP.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil, oo gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in shirkadda dhismaha fulinaysay iyo hay’adda UNDP oo maali-gelinaysaba ay ku ammaanan yihiin hawshaasi ay ka qabteen deegaanka Ceel-bilcinle, kana soo baxeen waajibkoodii, isaga oo dhinaca kalena Hay’adda UNDP mar kale uga mahad-celiyay taageerada dhinaca biyaha ah ee ay la garab taagan yihiin bulshada Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso