Dowlada Al-Wefaq ee dalka libiya oo shaaca ka qaaday in ay la wareegey gabi ahaanba garoonka diyaaradaha Tripoli sanad kadib

Dowlada Al-Wefaq ee dalka libiya oo shaaca ka qaaday in uu la wareegey gabi ahaanba garoonka diyaaradaha Tripoli

~~~ Kornayl Muhammad al-Qanunu, oo ah af-hayeenka dawladda al-Wefaq, ayaa yidhi, “ciidamadeennu gabi ahaanba way xoreeyeen Madaarka Caalamiga ah ee Tripoli.”

Afhayeenka ciidamada Al-Wefaq, Colonel Mohamed Qanunu ayaa ku yiri barta ay ku leedahay barta twitterka ee xarunta howlgalka Anger Volcano ay ku shaacisay:

“Xoreynta garoonka diyaaradaha Tripoli iyo ciidamadeenna geesiyaasha ah waxay ceyrsanayaan hadhaagii Maleeshiyada Haftar isaga oo u sii waday Qasr bin Ghashir.”
Wakaaladda wararka ee Anatolia ayaa soo xigatay af hayeen u hadlay xarunta warbaahinta ee howlgalka Anger Volcano, Mustafa Al-Mujai, isagoo sheegay in ciidamadooda ay gebi ahaanba la wareegeen gegida diyaaradaha ee Tripoli, sanad kadib markii maleeshiyada Haftar ay la wareegeen.
Gegada dayuuradaha, intaas kadib shirkadda injineerinka milatariga waxay bilaabeen inay baaraan si ay ula macaamilaan miinooyinka ay hayeen maleeshiyada Haftar

Advertisement

Ku Xayeysiiso