Ururka Gaaroodi & Maamulka  SALLAXLEY iyo BALLI MATAAN Oo Kormeer Ku Tegay Kaamamka  Barokaceyaasha Ee Deegaankaas

Ururka Gaaroodi & Maamulka  SALLAXLEY iyo BALLI MATAAN Oo Kormeer Ku Tegay Kaamamka  Barokaceyaasha Ee Deegaankaas

Sallaxley(Togaherer) Guddoomiyeyaasha degmooyinka Sallaxley iyo Bali Mataan oo ay weheliyaan Xubno kamid ah masuuliyiinta Ururka horumarinta Arrimaha bulshada ee Gaaroodi ayaa kormeer ay ugu kuur gelayaan xaaladda Dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan Kaamamka Sallaxley iyo Balli mataan ku tegay degaanaddaas.
Sida lagu sheegay war ay soo saartay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA Guddoomiyeyaasha degmooyinka Sallaxley iyo Balli mataan Ismaaciil Yuusuf Xuseen Shiine iyo Cabdinaasir Muxumed Jaamac oo koormeerkaas ku tegay degaamadaasi ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka barokacayaasha ah ee degmooyinkaas ku sugan,waxaanay sheegeen in dadkaasi u baahan yihiin Hoy ay galaan, Suuliyo iyo Raashin

ay quutaan madaama Xoolihii ay ku noolaayeen ka dhamaadeen 4 sanno ka hor.

Bulshada barokacayaasha ah ee degan Kaamamka Degmooyinka Sallaxley iyo Balli mataan oo ay xoolihii kaga baxeen abarahii adkaa ee dalka ka dhacay sannadihii lasoo dhaafay, ayaa ka dayriyey xaaladooda nololeed, iyaga oo sheegay inay u bahan yihiin in gargaar lala soo gaadho.

Khadar Mawliid Cali (Abu Bushra) oo kamid ah masuuliyiinta Ururka Gaaroodi kormeerkan ku wehelinaayey guddoomiyeyaasha Degmooyinka Salaxley iyo Balimataan oo ka warbixiyey ujeedada socdaalkoodan ayaa tilmaamay  in ujeedada safarkoodu ahayd sidii dadkaas looga war hayn lahaa waxaanu ku baaqay in dadkaasi lala soo gaadho gargaar deg deg ah,madaama lagu jirro xilli adag oo dunnida uu saameeyay xauunka covid-19.

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso