Mashruucii deegaamaynta; wajigii 2aad, 3aad iyo 4aad – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 14aad Mohamed Sharmaake

In Isaaqa la nacsiiyo dhulkiisa iyada oo lagu adkaynayo nolosha, Ogaadeenkana la jeclaysiiyo dhulka ay martida ku yihiin iyada oo noloshooda kor loo qaadayo ayaa ahayd wajigii labaad ee shirqoolka.

Sida ku qoran warbixinta Human Rights Watch: A government at war with its own people, idil ahaan xuquuqdii ay lahaayeen dadka muwaadiniinta ahi waxa la siiyay qoxoontiga, halka dadkii muwaadiniinta ahaa laga qaaday xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen oo dhan (bogga, 33aad).

Qof kasta oo Isaaq ahaa oo lahaa ganacsi, waxa lagu qasbay inuu shaqaalaysiiyo qoxoontiga; sida oo kale inuu xeryaha qoxoontiga u qoondeeyo lacag gaar ah oo uu siiyo, haddii uu taas diidana waxa loogu hanjabayay in ganacsigiisa la curyaamin doono ama la xidhi doono (Ibid, page 33).

Maalin qudha, waxa dekedda Berbera isku mar laga eryay shaqaale badan oo Isaaq ahaa, dhammaantoodna waxa lagu beddalay qoxoontigii Ogaadeenka oo dabcan xirfad iyo aqooni ha joogto e, aan waxna qori karin, waxna akhriyi karin (ibid, page 33).

Xirfadda qudha ee qoxoontigaas la baray waxay ahayd sida loogu guulwadeeyo kacaankii Siyaad Barre iyo borobagaandhadiisa.

Sida aan ku soo xusay qaybihii aan kaga hadlayay dagaalkii dhaqaalaha, shaqooyinkii sarsare, kuwii dawladda, iyo shaqo kasta oo macne lahaydba waxaa kooto loogu xidhay qoxoontigii.

Ugu yaraan qofka qoxoontiga ahi wuxuu qaadan jiray mushahar ah 1,300 oo shilling oo u dhigmaysay $250, ugu badnaanna wuxuu qaadan jiray 3,000 oo shilling u dhigmaysay $500. Halka magaalada ay qoxoontiga ku yihiin dadka deggan ka ugu mushaharka sarreeyaa uu qaadan jiray 500 oo shilling oo u dhigmaysay $83. (Ibid, page 33).

Waxa la gaadhsiiyay in muwaadin aqoon sare lihi uu bilaa camal u ahaado haybtiisa awgeed, qoxoonti aan waxna qori karin, waxna akhriyin karinna uu shaqo sare haysto haybtiisa awgeed.

Warbixintaasi waxay xustay, Haddii ay dhacdo in qof Isaaq looga maarmi waayo shaqo muhiim ah, waxa ku-xigeen looga dhigi jiray mid ka mid ah qoxoontigii Ogaadeenka si uu shaqada uga barto, ugu dambayna shaqada waxa la wareegi jiray qofkaas qoxoontiga ah (Ibid, page 33).

Dhul weyn ayaa bilaash lagu siiyay qof kasta oo qoxoonti ah, halka qofka kasta oo deegaanka magaalada ah oo u baahda dhul uu ku qasbanaa inuu dhulkiisa dib uga iibsado qoxoontigaas.

Suuqyada  waaweyn ee magaalooyinka, waxa ka badeecado sarreeyay suuqyada laga dhex sameeyay xeryaha qoxoontiga, (ibid, page 34). Dabcan ganacsatuna waxay gaadhay heer ay qoxoontiga dib uga iibsato badeecadahaas.

Xeryaha qoxoontiga waxa u dheeraa adeegyada caafimaadka oo heerkoogu sarreeyo. Wakhtigaas, dhakhtarka weyn ee Hargeysa laga ma heli jiray kiniinka madaxa (ibid, bogga 39aad), halka xeryaha qoxoontiga laga fulin jiray qalniinada waaweyn!

Wariyihii hore ee BBC-da Cabdalle Xaaji Cismaan, qoraal uu ka diyaariyay fajicisadaas wuxuu ku sheegay in aanay qoxoontigaas dawladdu ajaanib u arkaynba. Dabcan ficilkeega ayaa marag ka ah inay ka dhigtay muwaadiniin darajada koowaad ah, halka ay muwaadiniintiina ula dhaqantay sidii ajaanibka.

Sida aan hore ugu soo sheegay dagaalkii dhaqaalaha, sannadkii 1982-kii Isaaqa waxa laga xayiray ganacsigii ay dibadda kala soo degi jireen iyada oo loo iscmaalayo nidaam ay ula baxeen LC (Letter of Credit), waxaana joogsaday wax kasta oo dibadda lagala soo degi jiray.

Xukuumaddu kolkii ay gacanta ku qabatay raashinkii iyo badeecadahii aasaasiga u ahaa nolosha dadka, waxay ka dhigtay suququl sida ugu adag lagu helo. Waxa la gaadhay heer safaf dhaadheer loo galo si uu qofku u soo iibsado cuntada ugu yar ee qofku isticmaali lahaa.

Warbiixntu waxay sheegtay in darajooyinkii sarsare ee ciidanka lagu taxay qoxoontigii, isla kolkaasna loo furay tobabarro; si aad ahna loo hubeeyay. Lacagta ku baxaysa tobabarka, hubka, gaadiidka, cuntada iwm ee xeryaha qoxoontiga laga fuliyo, waxa si toos ah looga goynayay miisaaniyadda Ciidanka Qaranka.

Jabhaddii WSLF ayaa dib loo habeeyay, waxaana laga dhigay Ogaadeen sooc ah. Qoxoontigii la tobabaray ee aadka loo hubeeyay, idil ahaan hubkii ay haysteen waxay u adeegsadeen inay ku bartilmaameedsadaan Isaaqa Miyiga deggan ee ku taxan xuduudaha Itoobiya. Waxa faraha ka baxay dhaca, dilka iyo kufsiga ay geysteen qoxoontigaas la hubeeyay (Ibid, page 31)

Bishii Sibtambar 1979-kii guurti Isaaq ah oo is abaabushay waxay la kulantay Siyaad Barre iyada oo kala hadlaysa inuu wax ka qabato qardoofooyinka ay geysanayaan qoxoontigaas la jabhadeeyay, bal se Siyaad Barre halkii kama uu soo qaadin.

Gu’gii 1980-kii, saraakiishii Isaaqa ee ciidanka dawladda ku jirtay waxay abaabuleen reer miyigii Isaaqa ahaa si ay isaga caabbiyaan weerrarada WSLF, abaabulkaas oo ay u bixiyeen “Afaraad”, dabcanna ay hoos geeyeen jabhadda WSLF, si ay ugu dhex qariyaan. (Ibid, page 31).

Afaraad, sababta qudha ee loo sameeyay waxay ahayd inay difaacdo dadka Isaaqa ah ee ay bartilmaameedsanayaan qoxoontiga hubaysani. Isla kolkaas, waxa bilaabmay isku-dhacyo dhiig badani ku qubtay oo dhex maray Afaraad iyo WSLF (Ibid, page 31).

Qof aan lahayn aragti ka sarraysa qabyaalad, la yaab ma leh haddii la hubeeyo inuu hubka u adeegsado qabiilooyinkii ay daaqa iyo biyaha isku hayeen, waxa se la yaab leh in xukuumaddii Siyaad Barre aanay wax falcelin ah ku samayn dagaallada ka dhex socday reer miyiga labada beelood ee waliba beeshii gardarroonaysay sida aadka ah loogu hubaynayay.

Kolkii 1980-kii Maxamed Xaashi Gaani oo ay Afweyne ilmaadeer ahaayeen loo soo beddalay gobollada woqooyiga, shaqadii koowaad ee uu qabtay waxay noqotay in dhaqdhaqaaqii Afaraad uu u beddalay Cadaadlay oo qiyaastii 70km dhanka bari ka xigta Hargeysa, isla kolkaas waxa loo diiday in reer miyiga Isaaqu ay samaystaan wax dhaqdhaqaaq ah oo ay iskaga caabbinayaan weerrarada joogtada ah ee WSLF, waxaana laga ilaaliyay hub oo dhan, halka WSLF hub nooc walba lagu taxay (Ibid, page 31 – 32).

Taas macnaheegu waxay ahayd in reer miyigii Isaaqa laga dhigay sacabboolay aanu xuub yarna ka xigin weerrarada joogtada ah ee ay WSLF soo qaadayso (ibid, page 32).

Bogga 91aad ee warbixinta HRW sida lagu xusay, waxa iska caadi noqotay inay ciidanku dhacaan xoolaha reer miyiga, gubaan beerahooga, dumiyaan barkadahooga iyo meelaha ay biyaha ku kaydsadaan, toogtaan ka ay doonaan oo ay caydh ka dhigaan dadkii reer miyiga ahaa.

Mararka qaar qofka reer miyiga ah ayay ciidanku xoolihiisa ka qaadi jireen, inta ay doonaan ay iska qalan jireen, ka dibna waxay dib uga iibin jireen intii ay ka maarmeen ee aanay gawricin (ibid, bogga 92aad).

Warbixintu waxay ku sheegtay inay dhibkaasi ku sababtay in reer miyi badan oo Isaaq ahi u qaxaan Itoobiya ka hor intii aanu dagaalkuba bilaabmin, halkaas oo ay ku nabadgalayeen.

Dabcan, waa sidii laga doonayay inay dhulkooga ka qaxaan e, Isaaqa waxaa qaxoonti laga dhigay iyada oo aan SNM ba dalka soo gelin (ibid, page 91).

Idil ahaan falalkan oo dhani waxay lahaayeen hal ujeeddo: in Isaaqa la nacsiiyo dhulkiisa. Natiijaduna waxay noqotay sidii la doonayay. Cidda ugu badan ee dalka dibaddiisa ku noolayd burburkii Soomaaliya ka hor waxay ahayd Isaaq, xaqiiqatanna waa isla shirqoolkii uu Siyaad Barre dajiyay.

Waxa la soo allifay taariikh gacan-ku-rimis ah oo lagu sheegay in asal ahaan dhulka Isaaqa uu Ogaadeen degganaan jiray, waana wajigii saddexaad ee shirqoolka.

Si ugu yaraan qiil loogu helo taariikhdii uu sameeyay mu’allif Afweyne, waxa la unkay caddaymo gacan-ku-rimis ah oo qiil loogu heli karo taariikhdaas mala-awaalka ah. Tusaale ahaan, Xaafadda Jigjiga-yar ee Hargeysa ku taallaa waa goobihii la dajiyay qoxoontigaas, si loogu ekaysiiyo in reer Jigjiga ay halkan deegaan ku ahaayeen, waxa loogu magac-daray isla magaaladii Jigjiga ee laga soo raray qoxoontigaas.

Sida ku qoran warbixinta Human Rights Watch, waxay sheegtay in qoxoontigaas intii aan la soo rarin ka hor loogu sheekeeyay inay Hargeysi tahay magaalo cidlo ah oo ay ka dhisan yihiin guriyo aanay cidiba degganayn, isla kolka ay Hargeysa tagaanna ay toos iskaga degi doonaan.

Qof ka mid ah qoxoontigaaasi isaga oo warramaya, wuxuu sheegay inuu la yaabay kolkii uu Hargeysa ugu yimid dad buuxa iyo guriyo la deggan yahay (ibid, page 33).

Dabcan weli lama gaadhin wajigii afaraad ee ahaa in dhulka Isaaqa la cidleeyo, sheekaduna been ma ay ahayn ee qorshe toban sanno ka dib dhici doona ayuu ahaa.

Wajigii Afaraad ee qorshihii shirqoolku waxa uu ahaa in Isaaqa wixii ku hadhay dalka gudihiisa la tirtiro, si tallaabada u dambaysa ee shirqoolka loo soo af-jaro. Qiyaasta ugu yar ee ay hay’adaha caalamiga ahi sameeyeen, waxay ku sheegeen in ugu yaraan 200,000 oo qof oo Isaaq ah la gummaaday, oo dabcan ahaa wajigii u dambeeyay ee tirtiridda.

Shirqoolkaasi wuxuu ku dhawaaday inuu rumoobo, xiitaa haddii aanay SNM dagaallami lahayn looma waayeen qiil lagu tirtiro isirka Isaaqa, SNM waa marmarsiiyaha ugu weyn ee ay u heleen wajiga afaraad ee shirqoolkaas.

Tixraac:

Human rights watch, a government at war with its own people – testimonies about the killings and conflicts in the north, 1990 (Page 27 – 42)

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso