?????????? ?? ???? ????????. Waa Falanqayntii Zaki Dool

?????????? ?? ???? ????????

SL “la wada leeyahay” waxay beryahan danbe noqotay “catch phrase” lagu cabiro wax wada lahaanshaha dawladnimo ee looga baahan yahay inuu ka hirgalo dhammaan goboladda dalka.

Waxaase is weydiin leh waa maxay waxan la wada leeyahay, ama la doonayo in la wada yeeshaa? Ma golaha wasiiraddaa, ma taliyayaasha ciidamaddaa, ma agaasimyaasha guudbaa, ma wakiilada caalamka u fadhiya SL-baa?

Jawaabta oo kooban: HAA!

Laakiin aniga aragtidayda wada lahaanshaha SL looga fadhiyaa waa mid intaa ka mug weyn.

??????? ??????????

Khudbadii ugu danbaysay ee sanadlaha ahayd MBC-na ka hor jeediyay labadda gole wuxuu kaga waramay waxqabadka dawladiisa oo uu sheegay inay dalka ka qoday 300 oo ah ceelasha dhaadheer!

Waxaa xiiso badan lahayd in markii laga soo dareeray dhegaysiga khudbadda MBC uu xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid sheegay in 3-daa boqol ee ceel ee uu madaxweynuhu sheegay in dalka laga hirgaliyay aan mid kali ah laga qodin gobolka Hawd (oo ku yaala dhul oomane ah)…interesting!

Waa taa aragtidaydu – wada lahaansha SL ma aha in la qaybsado “madaxda dawladda” ee waa in la qaybsado “dheefta dawladnimo”

Mushkiladuse waxay tahay “we have more questions than answers” dheefta dawladnimo sidee loo qaybiyaa oo loo qaybsadaa? Ma waxaa lagu saleeyaa “demographic and population density” , ma waxaa lagu saleeyaa taageeradda ay u hayaan xisbiga Kulmiye, ma sida loo kala baahi badan yahay baa loo kala hor mariyaa?

Waa taan ku idhi su’aalahaa ka badan jawaabaha e, iyadoo SL marka horeba dakhligeedaba lagu soo ururiyay 1 dekad iyo 1 kastam haddii dekaddii qabiil gaar ahi sheegto, kastamkiina qabiil gaar ahi sheegto, isku-bedelka shaqaalaha dawladana ay ku andacoodaan in iyaga lagala tashado SL inteeda kale ma tarabuunka intay fuulaan ciyaarta halkaa haka daawadaan baa!

Maxaa u diidaya in Hargeisa Airport dadka deegaanka u ahi su’aalo iska weydiiyaan sababta anaay uga mid ahayn madaxda sare ee Airportka, sidoo kalena aanay 90% shaqaaluhu u ahayn “local” sida dekedda Berbera!

Maxaa diidaya in Burco oo adhiga ugu badan SL ka yimaadaa su’aalo iska weydiiyaan sababta anaay Togdheer u ahayn meesha lagu cashuuro xoolahaas si loogu horumariyo gobolka!

Maxaa uga caba Buhoodle iyo Badhan inay ka sii mid ahaadaan SL haddii anaay tiraddaba ku jirin!

Runtu fanto ma aha – SL lama wada yeelan karo haddii aan “dheefteeda” la wada yeelan, arrinkaana waxaa ka hor imanya sheegashada cid gaar ahi sheegato ilaha dhaqaale ee dalka!

SL la wada leeyahay waxay lagu helayaa oo kaliya haddii la helo SL “dheefteeda” dawladnimo la wada leeyahay oo la wadaago – xafiiska u sareeya ilaa ninka xamaalka ah!

??????? ?????

Fahamka keligii nooluhu waa mid aan in badan sii jirin, dhowaan waxaad maqlayseen in Mudane Deni amar ku bixiyay in raashinka ka soo dega Boosaaso aan loo gudbin karin deegaanadda ka baxsan Puntand!

Ka waran hadday berri deegaanadda ka baxsani go’aansadaan inay wixii hadda ka danbeeya u wareegayaan Berbera, ma kula tahay in Deni madaxweyne sii ahaan karo ama mushaharka “staff” kiisa bixin karo inta aan kuwa maamul goboleedkiisa la gaadhin!

?????????? ????????? ????? ???? ???????? ???????????? ????? ???? ???????? – ?????? ????? ?????!

Advertisement

Ku Xayeysiiso