Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo Midda Ciidul Firtiga lagu oogi Doono Guryaha


Togaherer 18 April 2020 Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo,

Isagoo u waramayay wakalada wararka Reuters ayaa waxa uu u sheegay Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey.
Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda.

Saudi Arabia ayaa bartimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus.

Togaherer Media Group

Advertisement

Ku Xayeysiiso