Gudaha ka akrhi: Qodobo Ay Madaxdii Isbedel doonka Jubbland ay Soo Bandhigeen oo Laf Dhuungashay ku noqonaysa Madaxweyniha Kumeel Gaadhka ah Axmed Madoobe

Golaha isbadal doonka ee ay hogaamiyaan Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Seeraar ayaa qodobadan soo saaray ee aqriso oo ka dhiibo ra’yi gaaga:

Qoraalki Golaha.

Golaha isbedel doonka jubaland oo mar walba horseed u ah xal u helida mushkilada siyaasadeed iyo Bulsho wuxuu soo jeedinayaa si loo helo Jubaland oo midaysan in la meel mariyo Qodobada hoos ku qoran

1: Maadaama golaha isbedel doonka iyo maamulki hore ee ay leeyihiin Baarlamaano iyo Gudoon ka kooban midkiiba 75 xubnood Waxaa lagama maarmaan ah in laysku daro 2da Baarlamaan oo tiro Guud noqonaya 150xildhiban kuna fadhiya Awood qeybsiga Beelaha jubaland ayna doortaan Gudoon cusub oo laysku waafaqsan yahay:

2: In la dhiso Dowlad Awood Qaybsi ah 49% +Madaxweynaha iyo 51% Taasoo saameyneysa Wasiirada, Wasir Dowlayaasha, Wasiir ku xigeenada, Taliyayasha Qeybaha Ciidamada, Dekeda, Airporka, Maamulada Gobolada iyo Degmoyinka iyo Dhamaan ilaha Dhaqaalaha jubaland:

3: Madaxda Isbedel doonka ayaa xor u ah Soo jeedinta cida ay usoo magacaabayaan jagooyinka ay qaybta u heleen ee ku Xasan isla Qodobka 2aad ee kore:

4: Waxaa reeban in xilka laga qaado ama la bedelo masuul kasta oo ku yimid si waafaqsan Qodobka 2aad iyo 3aad ee kore, hadayse lagama maarmaan noqoto in la bedelo ama xilka laga qaado cidii xilkeeda Gudan wayda Waxaa loo bandhigayaa madaxda isbedel doonka iyaga ayaana soo gudbinaya cida lagu bedelayo:

5: in la dhigo gogol laysugu keenayo Dhamaan wax garadka, Siyaasiyiinta, Qeybaha bulshada si loo mideeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Jubaland Sidoo kalena lagaga tashanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland:

6: In Madaxweynihii hore ee Jubaland Axmed islam lasiiyo mudo 2 Sano oo kmg transitional ah oo kasoo bilaabaneysa 22/8/2019 kuna eg 21/8/2021 mudada oo loogu gogol saarayo sidii Loo midayn lahaa Shacabka iyo siyaasiyiinta ree Jubaland isla markaana ay Jubaland uga dhici lahayd Doorasho xor iyo xalaal ah si shuruud la aan ah:

7: In Mudane Axmed Islaam madaxweynihii hore ee Jubaland uusan Dib danbe isu soo sharaxaynin marka ay dhamaato mudo xileedkiisan kmg oo ku eg 21/8/2021:

8: Madaxda isbedel doonku waxay gogol khaas ah u dhigayaan bulshada iyo Siyaasiyiinta ree Jubaland ee isbedel doonka si ay Qeyb uga noqdaan heshiiskan oo aan la,aantood Ansax noqon karin, loona helo taageerada bulshada ee Is cafiska, Iyo Dib u Midaynta ku dhisan:

9: Maadaama uu khalad xoogan ka muuqday waa in sixitaan lagu sameeyo liiska Odayaasha Dhaqanka ee beelaha oo uu hada ka jiro isku dhex yaac iyo khilaaf xoogan:

10: Waxaa si gaara Gudi loogu saarayaa Dhamaan dadkii isbedel doonka ahaa ee wax yeeladu kasoo gaadhay mudadii khilaafka siyaasadeed sida Xarig, Dhac, Jir dil, Dil dhimasho ah, Hanjabaad iwm:

11: Madaxda isbedel doonku waxay si deg deg ah ugu hawl gelayaa sidii xal degdeg ah looga gaari lahaa khilaafka iyo wada shaqeyn la,aanta mudada dheer soo jiitamaysay ee u dhexeeya maamulka jubaland iyo Dowlada Federaalka,

12: Maamulka jubaland wuxuu wada hadal degdeg ah oo shuruud la,aan ah la furayaa Dowlada Federaalka Sidoo kalena wuxuu wada shaqeyn toosa la yeelanayaa heyadaha Federaaliga si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo kan jubaland:

13: inagoo wada ogsoon In Shacabka ree Jubaland ay aad uga danbeeyaan Dhamaan bulshooyinka Dowlad goboleedyada kale ee dalka siiba dhanacyada Shaqo Abuurka, Caafimaadka, Waxbarashada, Nadaafada, Ganacsiga, Biyaha, Korontada, Amniga iyo Guud ahaan adeegyada bulshada waxaa degdeg looga hawl gelayaa sidii Dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka Dib ugu bilaabi lahaayeen Dhamaan mashaariicdii ay ka wadeen deegaanada jubaland, isla markaana ay mashaariic hor leh uga bilaabi lahaayeen:

14: In si Degdeg ah loogu hawl galo sidii loo xoreyn lahaa Deegaanada jubaland ee shabaabku gacanta ku hayo iyadoo la dijenayo Qorshe hawleed kaduwan kuwii hore ee shaqeyn waayay, iyadoo ay hogaamin doonaan masuuliyiinta ku haboon:

15: Is Afgaradkan hor dhaca ah kadib Waxaa magaalooyinka Kismayo iyo Garbahareey degdeg loo dhigayaa gogosha rasmiga ee laysugu keenayo Dhamaan Siyaasiyiinta iyo Qeybaha Bulshada jubaland si looga heshiiyo is faham waagii ka dhashay doorashada , looguna diyaar garoobo Doorashada rasmiga ah :

16: Beesha caalamka iyo Dhamaan Daneeyayaasha arimaha Somaliya Waxaa laga codsanayaa inay Taageeraan Is Afgaradkan Doorka kaga aadana ka qaataan :

17: Is Afgaradkan wuxuu ku hirgeli karaa hadii ay Guarantor, ka noqdaan Mareyka, Uk, UN, EU and IGAD:

Advertisement

Ku Xayeysiiso