MACALLINKA: XIRFADDA IYO AQOONTA LOOGA BAAHAN YAHAY

Macallinku waa qaabeeyaha mustaqbalka ummadda. Waa xuddunta waxbarashada qaranka. Waa barbaariyaha jiilka soo koraya. Waa soo saaraha hoggaamiyayaasha iyo hormuudka ummadda. Waa gudbiyaha diinta, dhaqanka iyo qiyamka ummadeed jiilasha soo koraya. Waa daahfuraha hibooyinka kala duwan ee ubadkeenna. Waa Warshadda xirfadlayaasha, farsamayaqaannada iyo aqoonyahannada buuxinaya baahiyaha iyo adeegyada ay bulshada. Ugu danbaynna, waa aqoonsidaha ummadda iyo abuuraha, hirgaliyaha iyo hilaadshaha horumarka mujtamaca.
Macallinku si uu doorkiisa u qaato oo shaqada uu bulshada u hayo sidii loogu talagalay u qabto, waxa loo baahan yahay in uu yeesho aqoon, xirfad iyo habdhaqan dhammaystiran oo shaqadiisa uu ku gudan karo. Sidoo kale, macallinnimadu waxay ka mid tahay xirfadaha (professions) kala duwan ee lagu takhasuso, isla markaasna adeegyada kala duwan u qabta bulshada, sida dhakhaatiirta, injineerrada, i.w.m.
Haddaba iyada oo heerarka waxbarasho ee ay macallimiintu ka hawlgalaan ay kala duwan tahay; heer kasta oo waxbarashana u baahan yahay aqoon iyo xirfad u gaar ah taas oo ku xidhan da’da ardayda uu u dhigayo, nooca waxbarashada uu dhigayo, deegaanka iyo qaabka waxbarashadu u baxayso; haddana waxaa jirta dhinacyo kala duwan oo aqoon iyo xirfadba leh oo loo baahan yahay in macallinku si wanaagsan u barto, u weeleeyo, una garanayo. Dhinacyadaas waxa ka mid ah:
1. Cilmi nafsiga (Psychology).
2. Waxbarashada (Education).
3. Aqoonta Maadadda/Maaddooyinka uu dhigayo (Subject Knowledge).
4. Cilmiga Bulshada (Sociology).
5. Hababka Waxdhigista (Teaching Methodology)
6. Luuqadda uu wax ku gudbinayo (Language of Instruction)
7. Luuqaddiisa Hooyo, dhaqankiisa iyo diintiisa (Mother language; Culture and Religion).
8. Kombiyuutarka iyo Tiknoolajiyadda casriga ah (ICT).
9. Waddaniyadda iyo Barashada Dawladdiisa (Civic Education).
10. Iqk.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdifataax Rashiid Maxamed
29/03/2020
Hargeysa, Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso