Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland oo been abuur ku tilmaamay in uu si shaqsi wada-hadal ula galay DFS

    

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay oo sheegaya in wada-hadal uu socdo isaga iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland in wararka la faafiyay ee ah inuu wada-hadal kula jiro Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in Bulshada lagu Jahwareeriyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxamuud Siyad Aadan iyo Madaxda dowladda ay wada-hadli karaan, hayeeshee wada-hadalkooda uusan aheyn mid qarsoodi ah, balse uu noqonayo mid laga wada ogyahay.

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda Federaalka Soomaaliya uu wadahadal la gali doono kaliya haddii ay shacabka iyo xukuumadda Jubbaland u wakiishaan, isla markaana la doonayo in lagu xaliyo Khilaafyada jira.

Isaga oo sii hadlaayay Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu tilmaamay in layaab ay noqotay markii uu maqlay warar ay warbaahinta qaarkood baahiyeen oo ah in wadahadal uu kula jiro dowladda Federaalka, wuxuuna dadka faafiyay wararkaas ugu baaqay inay iska daayan beenta.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka in dowladda Federaalka aysan weli soo dhaweyn dib u doorashii Madaxweyne Axmed  uuna jiro wadashaqeyn la’aan labada dhinac, hayeeshee ka Jubbaland ahaan ay doonayaan in la xaliyo Khilaafyada jira si loo wadashaqeeyo.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso