WHO oo sheegtay in soo saarista Tallaal ama Dawooyin soo Afjari karo CoronaVirus ay qaadan karto 18 bilood.

WHO ayaa Sheegtay in soo saarista Tallaal ama Daawooyin soo Afjari kara Caabuqa CoronaVirus ay qaadan karto muddo18 bilood ah.

Agaasimaha Guud ee ururka caafimaadka adduunka WHO Tedros Adanom ayaa shaaca ka qaaday in 45 dal oo dunida ah ay ku mashquulsan yihiin ka qayb qaadaashada tijaabooyinka caafimaad ee la doonayo in lagu sameeyo daawooyin laga yaabo inay gacan ka gaystaan soo afjarida caabuqa Coronavirus (Covid-19).

Balse Tedros wuxuu carrabka ku adkeeyay in sameynta daawooyinka iyo tallaalka fayraska Crona ay qaadan karto muddo ku siman sanad iyo bar oo u dhigmaysa 18-bilood, maadaama ay adag tahay in si fudud loo dilo Daawada Caabuqa Crona.

Advertisement

Ku Xayeysiiso