Axmed Madoobe, oo dallacsiiyay Sarkaal Dawladda Federaalka ka diiday inuu Afgambiyo Maamulkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada darawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankan kusoo dabaaleen.

Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Gaashanle dhexe Mahad Islaam wadaniyada iyo dal jacaylka uu muujiyay isagoo iska diiday shirqoolka iyo afganbiga la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada Degmada Afmadow taas oo Dowlada Federaalka ah ay la damacsanayd Barakaca shacabka iyo qulqulatooyinka ka jira meelo badan oo dalka kamid ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso