Degdeg: Hal qof oo Jabaaniis ah oo ka yimid Jabaan oo sida xanuunka Cronavirus ayaa lagu qabtay madaarka Addis taas oo la karantiimeeyey. Dhinaca kale dadka Reer Diredaba ayaa cabsi wayni soo gashay maanta galinkii dambe kadib amrkii…

Hal qof oo dalka Jabbaan u dhashay ayaa maanta dalka Ethiopia laga helay Cronavirus.
Ninka Jabbaaniiska ah ee laga helay ayaa ka soo safray dalka Jabbaan waxaana lagu qabtay Airport ka Addis Ababa ee Boli international Airpot isaga oo doonaya in uu gudaha u galomagaalada Addis ababa. Kadib markii la xaqiijiyey in sidu viruska ayaa ciidanka madaarki ku karantiimeeyeen meel loogu talo galay in lagu karantiimeeyo dadka laga helo xanuunka oo ku taala madaarka gudihiisa. Ilaa hadda waa ruuxii ugu horeeyey ee laga helo Cronavirus kaas oo u safraayey dalka Ethiopia.

Dawlada Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in lacag 5o milayan oo bir oo u dhiganta
$1,562,500 ku dhawaaqday in ay kaga hor tagayso xanuunka Cronavirus.

Dhinaca kale Cabsi wayn ayaa soo gadhay dadka ku dhaqan magaalada Diredaba kadib markii la sheegay in ay fududahay in ay dad xanuunkan qabaa ay ka soo gali karaan dhinaca xuduudaha dhulka ah sida xuduudka DJibouti iyo xuduuda Somaliland.

Walaw xuduuda dhulka dadka lagu baadho hadana way fududahay inin ruuxu uu ka soo gudbo xadka isaga oon soo marin meesha lagu baadhayo taas oo ay baadhayaan oo kaliya dadka maraya xarunta imegrationka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso