Todobaatan iyo todoba Ruux oo Mas’uuliyiin ay kamid yihiin ayaa Cudurka Carona ugu dhintay dalka Iiraan

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dadka udhintay cudurka dilaaga Carona Virus uu sare ukacay iyadoo walaac ka muujisay sida xowlliga ah ee cudurku ku fidayo iyo culaysyada dhaqaale ee wadanka kajira.

Cali Ridaa Ra’iisi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Iiraan ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka Carona ay gaadheen 77 qof oo ay kujiraan mas’uuliyiin dowladda katirsan iyo wadaado.

Wuxuu sheegay in 2336 qof uu soo ritay cudurka Carona kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalooyinka waaweyn, maanta oo kaliya ayuu cudurkan dilaaga ah dalka Iiraan ku dilay 11 qof waxaana kamid ahaa nin mas’uul ah oo lagu magacaabi jiray Max’med Miir Muxamed oo 77 sana jir ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 23 xildhibaan ay lajiifaan cudurka iyo sidoo kale hoggaamiyaal katirsan maraajicda Shiicada, meesha ugu daran ee Carona uu dadka ku dilay waa magaalada Qum ee Xarun Diineedka Shiicada.

Dalka Iiraan ayaa ah wadanka labaad ee uu faraha ba’an ku hayo Carona Virus halka dalka Shiinaha uu yahay wadanka koobaad ee cudurkan uu dadka ugu badan ku laayay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso