Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurnimadii damiyay Dab qabsaday guri Jiingada oo ku yaalla degmada Gacan-Libaax

#Hargeysa 8 Rajab 1441 AH – Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa maanta duhurnimadii damiyay Dab qabsaday guri Jiingada oo ku yaalla degmada Gacan-Libaax.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas iyo inuu ku fido guryihii u dhawaa. Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay.

Sababta dabkan dhalisay waxaa hadda gacanta ku haya Ciidanka baadhista ee Booliska.

Allaa Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska
Hargeysa/Somaliland
info@somalilandfire.com
990 Emergency Call

Advertisement

Ku Xayeysiiso