Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay dagaalkii cuslaa ee shalay duleedka Baladxaawo ku dhax maray ciidamada Jubbaland iyo ciidanka ay dawladda federaalka.
Qoraal ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Baladxaawo in ay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan wadahadal.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada is haya in ay ka fogaadaan iska hor imaadka hubaysan ee ka socda Baladxaawo. Waxaan ku baaqaynaa in xal nabadeed laga gaaro khilaafka,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka ka soo baxay.
Ugu dambayn Maraykanka ayaa ugu baaqay dhammaan hogaamiyaasha in ay muujiyaan dulqaad kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.