Qulqulka Muhaajiriinta doonaya inay ka gudbaan xadka Dalalka Turkiga iyo Giriiga oo sii xoogeystay.

Gelinkii hore ee maanta waxaa la waayay meel la kala maro waxaana cidhiidhi noqday waddooyinka kala duwan ee Istambul gaar ahaan jidka Al-Watan, taasoo ka dhalatay kadib markii muhaajiriinta doonaya inay u gudbaan dhinaca yurub ay isugu soo baxeen aga-gaarka Masjidka Murad Pasha iyo saldhigga metro oo ku dhow waddada weyn ee Al-watan oo ku dhamaantoodba ku yaalla dhinaca Yurub ee magaalada Istanbul.

Muhaajiriintu waxay kusii jeedaan dhanka xadka Giriiga si ay ugu gudbaan dalalka Yurub, iyagoo raacaya basas ka tagaya goobaha cayiman oo ku yaal caasimadda Istanbul.

Advertisement

Ku Xayeysiiso