Dadweynaha ku nool Xaafada Moosko Ee Magaalo Xebeeda Berbera Ayaa Mudaharaad kooban ka dhigay laamiyada Xaafadaasi kadib markii

Dadweynaha ku nool Xaafada Moosko Ee Magaalo Xebeeda Berbera Ayaa Mudaharaad kooban ka dhigay laamiyada Xaafadaasi kadib markii Wasaarada Hawlaha Guud & Guryeynta Somaliland Ay Xabsiga u taxaabtay Odayaashii Iyo Waxgaradkii Xaafadaasi Deganaa oo dhawaan Dawladu kusoo rogtay Lacago Kirooyin ah oo laga Rabo inay ka Bixiyaan guryahaasi Ay ku jiraan

Ciidamada Booliiska Magaalada Berbera ayaa ku guuleystay in kala kaxeeyaan Dadweynihii isugu soo baxay Mudahraadkan oo ahaa mid kooban islamarkaana aan wax khasaare ah ka dhalan

Guryaha Xaafada Moosko Ee Magaalada Berbera ayaa Waxa Dhistay Dawladii Ruushka Ee Midowgii Soofiyeeti oo Xiligaasi Saldhig milateri ku lahayd Magaalada Berbera

Dadweynaha Degan Xaafadaasi Ayaa Guryahaasi ku jiray intii Somaliland madaxbanaanideeda kala soo noqotay Dawladii Somaliya 18 may 1991 kuwaasi oo dayactir joogo ah ku Sameynayey

Guryahani ayaa ah kuwo dawladeed oo la xeer ah guryaha Dawlada Ee kuyaala Magaalooyinka waaweyn Somaliland waxaanay Arintani kusoo beegmaysaa Xili Dawlada Madaxweyne Muuse Biixi ay kirooyin kusoo rogtay Guryahaasi Dawlada Ee ay ku jiraan Dadka Shicibka ah walow Guryihii Ku yaala Xaafada shacabka Ee Caasimada magaalada Hargeysa ay iibsadeen Ganacsato kamida kuwa Reer Somaliland islamarkaasina Ay Meesha ka baxeen hanti badan oo Dawladu lahayd oo ay kamid yihiin Dhul iyo dhismayaalba intii ay Somaliland madaxbanaanideeda ay kala soo noqotay Somaliya, gaar ahaana xukuumadihii Xisbiga Kulmiye ka dhashay Ee Talada Dalka iskaga Dambeeyey.

Xigasho Ahmed Sa’ed Mohamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso