Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya oo la faray in ay 14 maalmood ku soo af jaraan dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta ayaa kulan la qaatay hogaamiyaasha Soomaalida dalkaas ee ka soo jeeda gobolka wuqooyi bari ee dalkaas oo uu kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagalanka Al Shabaab.

Kulanka dhex maray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaasha Soomaaliya ayaa intiisa badan lagaga hadlay weerarada Al Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya iyo gobolka Soomaalida.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo warbixin laga siiyay xaaladda goboladaas ayaa muddo 14 maalmood ah u qabtay hoggaamiyayasha Soomaalida Kenya si ay u soo gabagabeeyaan dhaqdhaqaaqyada iyo weerarrada ay Al Shabaabka ka ka wado gobola laga soo doorto.

Isaga oo ka halayay dagaalamayaasha hubeysan ee weerarada ka geysta gudaha dalka Kenya ayuu madaxwaynaha Kenya sheegay in aysan ahayn dhalinyaro Soomaali ah oo ka soo talaabay xudduuda labada dal hase ahatee ay yihiin dhalinyaro Kenyaan ah oo Al Shabaab ay ka qorteen gudaha dalka Kenya.

Hogaamiyaasha Soomaalida Kenya ee uu la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuuru Kenyaatta waxaa kamid ah barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane, barasaabka Mandheera Cali Roobow, barasaabka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud, Aadan Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, xidhibaan Aadan Keynaan iyo xildhibaanno kale.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso