Maxkamad Sacuudi Ku Taala Xukuntay 8 Xukunno Oo Loo Laystay Inay U Basaasayeen Iran

JEDDAH – Maxkamad ku taal Sacuudi Carabiya ayaa ku xukuntay sideed muwaadin oo Sucuudi ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen Iran iyo la socodka laba safaaradood oo shisheeye oo ku yaal Boqortooyada, Al Arabiya English ayaa Talaadadii sheegay.

Maxakamada Amniga ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa hal qof ku xukuntay dil todobo kale oo xabsiyo kaladuwan kuwaaso lagu soo eedeeyay basaasnimo.

Xukunka dilka waxaa lasiiyay qof la cadeeyay inuu si qarsoodi ah ugu faafiyay sirdoonka Iiraan.

Macluumaadka qarsoodiga ah, ee la siidaayay, wuxuu saameeyaa amniga qaranka Sacuudiga waxaana ku jira xog ku saabsan laba safaaradood oo shisheeye, sida irridaha laga galo, bixitaankooda, iyo joogitaankooda amniga. Lama cayimin safaaradaha ay ku shaqeeyaan.

Bishii Janaayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in Iran laga yaabo inay bartilmaameedsato safaaradda Mareykanka ee Baqdaad isla markaana ay damacsan tahay inay weerarto afar safaaradood oo Mareykan ah markii jeneraal sare, Qasem Soleimani lagu dilay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa Iiraan siiyay macluumaad la xiriira arrimaha gudaha iyo dhaqaalaha Sacuudiga. Waxaa lagu abaalmariyey dhaqaale ahaan howlahooda.

Dhamaan dadka lagu xukumay xabsiga ayaa lagu wargaliyay inay xaq u leeyihiin inay rafcaan ka qaataan xukunka mudada 30ka maalmood ah ee ku xigta xukunkii rasmiga ahaa. – Hay’adaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso