Barlamaanka Indai Sharci Uu Ansaxiyey Oo Faquuqaaya In Kabadan Laba Milyan Oo Muslimiina Kaso Dhaliyey Isku Dhacyo Dadku Dhinten Intii Lagu Guda Jirey Boqashadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Dad iska soo horjeeda qaarkoodna ay Taageersayiin sharciga dhalashada kalanoqonaaya muslimiinta kudhaqan wadankaas iyo qaar kasoo horjeeda ayaa garaacay nin muslim ah intii uu socday isku dhac u dhaxeeyay taageerayaasha sharcigan iyo dadka sharciga ka soo horjeeday ayaa ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka India, Isniin, Febraayo 24.

Rabshado ayaa ka sii socday New Delhi Talaadadii intii lagu guda jiray booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Hindiya, maalin kadib markii ugu yaraan toddobo qof la dilay in ka badan 100 kalena lagu soo warramey in ay ku dhaawacmeen iskahorimaadka.

Dalka Hindiya waxaa ka dhacay rabshado tan iyo markii baarlamaanku ansixiyay sharci dhalasho oo cusub bishii Diseembar, dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in ay faquuqeen in ka badan 200 milyan oo Muslimiin ah oo waddanka ku nool – waa dacwad ay xukuumadda Modi beenisay.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Koongareeska Mareykanka ayaa iyaguna walaac ka muujinaya sharciga si deg deg ah ula jaan qaada dhalashada Hindiya muhaajiriinta ka imanaya saddexda waddan ee deriska ah – haddii aysan muslimiin ahayn mooyee

Advertisement

Ku Xayeysiiso