Guddiga doorashooyinka Puntland oo shir la yeshay wafdi ka socda midowga yurub

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland iyo madax ka socota Midowga Yurub, gaar ahaan qaybta dowladnimada iyo Dimuqraadiyada.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen  sidii Midowga Yurub uga qayb qaadan lahaa hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegey  la isku raacay in laga wada Shaqeeyo hirgelinta hannaankaan,iiyada oo dhawaan wadashaqaynta labada dhinac bilaaban doonto.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo kala duwan la qaataan Madax ka tirsan Dowladaha taageera Soomaaliya ee ku sugan  Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso