Baxrayn Ayaa Iridaa Isugu Dhufatey Dhammaan Iskuullada Dowlada. Iyo Xarumaha Gaarka Loo Leeyahay Iyo Xannaanooyinka Muddo Laba Toddobaad Ah Ai Loo Xakameeyo Cudurka Loo Yaqaan ‘Coronavirus

Baxrayn ayaa iridaa isugu dhufatey dhammaan iskuullada dowlada. iyo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo xannaanooyinka muddo laba toddobaad ah si loogu xakameeyo cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ dilaaga ah iyada oo 26 xaaladood oo hadda lagu xaqiijiyay boqortooyada.

Wasaaradda Waxbarashada ee Baxreyn ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dhammaan iskuulada dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, oo ay ku jiraan xanaanada, la xiri doono labo toddobaad laga bilaabo Arbacada, Febraayo 26, 2020.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in go’aanka la qaatay isagoo qayb ka ah tallaabooyin taxaddar ah oo la qaaday si loo xakameeyo faafitaanka cudurka dilaaga ah.

Ku dhawaaqis weyn, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ay u diyaarinayso baaritaano caafimaad dhammaan muwaadiniinta iyo dadka deggen ee booqday Iran, inta lagu guda jiro bisha Febraayo, wakaaladda wararka ee Baxrayn.

Isniintii, ayuu dalku ku dhawaaqay xayiraadda safarka ee Iran, wakaaladda wararka ayaa werisay.

Manama waxay sidoo kale joojisay duulimaadyadii ay ku taggi laheyd gegada diyaaradaha oo ay kujiraan Dubai iyo Sharjah ee UAE, kuwaas oo ahaa wadankii ugu horreeyay ee khaliijka carabta ee shaaciya kiisaska cudurka coronavirus. Mid ka mid ah kiisaska UAE ma ahayn mid dilaa ah, laba kalena way ka soo kabtaan. – Hay’adaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso