Kuuriyada koonfureed oo ku dhawaaqday in ay ka hortagyso cududrka coronavirus

Kuuriyada koonfureed ayaa kor u qaaday feejignaanteeda la xiriirta sidii looga hortagi lahaa faafitaanka cudurka  coronavirus heerka ugu sarreeya kadib markii  ay aad usoo kordheen dadka uu soo ridanayo cudurka.

Madaxweynaha dalkaas Moon Jae-in ayaa sheegay in waddanku uu  wajahayo xaalad halis ah, maalmaha soo socdana ay muhiim tahay in la qaado tallaabooyin ku saabsan sidii loo xakameyn lahaa cudurka dillaacay.

Lix qof ayaa ugu dhintay fayraska gudaha Kuuriyada Koofureed halka inka badan 600 oo qofna uu cudurkaasi ku dhacay. Dhanka kale, Talyaaniga iyo Iiraan waxay ku dhawaaqeen tallaabooyin ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan walaaca fayraska coronavirus.

Tallaabooyinka sadexda dal ee kuuriyada waqooyi, Iiran iyo talyaaniga ay ku xakameynayaan cududrka ayaa muujineysa in cudurka uu xagooda kamarayo marxaladiisi hore ee kufaafitaanka bulshada dhexdeeda.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso