Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ayaa Daah-furtay Maanta Barnaamij Ay Ku Maal-galinayso Dadka Dan-yarta Ah.

9

Gabiley-(D.H.D.G)- 23-02-020-()- Waxa maanta laga daah-furey xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, Gaar ahaan hoolka shirerka. Barnaamij ay maal-galintiisa leedahay Dawlada Hoose halka fulintiisana ay leedahay Hay’ada Diwaanka sakada iyo Sama-falka Qaranka xarunteeda Gabiley oo dhawaan la aas-aasey, Ujeedada loo yagleelay Hay’ada ayaa aheyd in Dan-yarta Gabiley kor loo qaado lana kobciyo si loo tir-tiro baahida iyo waayaha nololeed ee ku habsadey bulshadeena qayb ka mid ah, Madasha waxa ku sugnaa oo soo ajiibey in ay ka soo qayb Galaan munaasibada iba-furka, Waxa ka ahaa Duqa Degamada Gabiley Md. M-aamiin Cumar Cabdi, Gudoomiyaha Gobalka Gabiley Md. Maxamed Axmed Xaaji Cismaan, Xog-hayaha Dawlada Hoose, Xubno Xildhibaano ah iyo Cuqaal, Saladiin, Haween, Iyo dadkii la maal-galinayey.

Ugu horeyn waxa madasha furey hadalkeeda Gudoomiyaha Hay’ada Diwaanka Sakada iyo Sama-falka Qaranka Md. Sheikh Xamse Xabiib Xuseen oo faafaahiyey nidaamka ay dadkan u soo xuleen, Kaasi oo ku salaysnaa afarta xaafadood ee ay Gabiley ka kooban tahay, Gudiyada xaafadaha ayaa ka hawl-galey si balaadhan oo macquuliyad ahna u soo naqdiyey una soo gudbiyey xafiiska Diwaanka sakada, Xafiiskuna waxa uu la kaashadey Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley oo yadu lahayd maal-galinta bulshadan loo samaynayo abuuritaanka nolosha caadiga ah ama dhex-dhexaadka ah, Si hufan iyo hanaan sugan oo ay ka madhan tahay eex, nin-jeclaysi iyo xulasho gaar ah ayuu xafiisku ku fulinayaa hawshani, Imika waxa lagu bilaabayaa 100kii qoys ee ugu horeeyey mashruucani, Lacagta lagu maal-galiyey Hay’adi may keenin nasiib kalena Laguma helin, Waxase weeyaan cashuurtii dadka laga qaadayey.

Waxa yaguna madasha hadal soo dhaweyn ah ka tiraabey munaasibada, Suldaan. Abu-sufiyaan, Suldaan. Ibraahim Jaamac Samater, Caaqil. Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil. Cabdi Aw Cumar Warsame, Wax-garadkani ayaa dhamaantood u hoga-tusaaleeyey bulshada ay hogaanka u hayaan faa’iidada uu leeyahay nidaamka sidan ah ee lagu maareeyey kabista iyo taageerada nololeed ee bulshada Dan-yarta ah, Sidoo kale waxa ay baaq u direen gacansatada iyo qurba-joogta la soo jeeda dagalka in ay sakada iyo Sama-falka ay bixinayaan ku soo hagaajiyaan xafiiska Diwaanka sakada, Sidoo kale waxa ay dhamaantood u mahad-naqeen Dawlada Hoose iyo Duqa Degamada iyo waliba golihiisa horumarka iyo hilaada ay ku hagayaan umadooda.

Duqa Degamada Gabiley Md. M-aamiin Cumar Cabdi ayaa qudbada la wareegay isla markaasina tiraabtiisii ka dhiibtey, Duqu waxa uu sheegay in ay sanadkan maal-galinta dadka dan-yarta ah ugu dareen miisaaniyada 2020-ka, Sidoo kale waxa uu xusey in ujeedadu tahay dhisida nolosha dadka jilicsan ee bulshadeena ka mida, Sida uu ka dhawaajiyey Maayerku waxa uu dareensiiyey bulshada in ay tahay wax-u-qabashadani waajibaad saaran, Waayo Lacagta maal-galinta lagu sameeyey waa cashuurtii umada ka dhaxeysay oo loo farsameeyey, Hadalkiisana Sidan ayuu u dhigey xoolaha aan idinku maal-galinayno anagu ma lihin, Cid kalena ma laha, waa maalkiinii oo la idin farsameeyey, Sidaa awgeed ka faa’iideeya oo wax kala soo baxa soo si aad baritoole u noqotaan sako bixiyayaal masaakiinta iyo Dan-yartooda caawiya, Qorshahani iyo hindisaadiisa ayaa ah kii ugu horeeyey abid Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxana balaysimay reer Gabiley, fikradeedana waxa lahaa Duqa Degamada Gabiley Md. M-aamiin Cumar Cabdi.

Gaba-gabadii waxa soo af-meeray Badhasaabka Gobalka Gabiley Md . Maxamed Axmed Xaaji Cismaan oo hambalyeeyey Kuna baarigay Maayerka magaalada Gabiley hawl-qabadkiisa qaan-gaadhka ah, Kuwaasi oo suura-galiyey in maanta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley ay maal-galin u sameyso Dan-yartii magaalada taasi oo wax badan ka haqab-tiri doonta dhaqaalaha iyo koboca Isu-socodka heerka Jeeb ee bulsho ahaaneed ama ajaanisba, Waxa intaa ku Darey Sharaf ayey ii tahay in aan Gudoomiye ka ahaado Gobal ka mudhey qayrkii Sidaa waxa ku tiraabey Gudoomiyaha Gobalka, Ugu danbayntiina dadkii ayaa loo qaybiyey maal-galintii loogu tala-galey calaa qof 100kii qof ee ugu horeeyey.

Wa-Bilaahi Tawfiiq .

Xafiiska War-baahinta iyo Wacyi-galinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley .

Advertisement

Ku Xayeysiiso