Amnesty International: “Tacadiyada suxufiyiinta loo gaysto cirka ayay isku shareereen tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne Farmaajo.”

Hay’adda cafiska caalamiga, Amnesty International, ayaa warbixin ay ugu magac dartay “waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah” ka soo saartay xaaladda suxufiyiinta ku nool kana shaqeeya gudaha dalkaasi Soomaaliya ee ay ku noolyihiin.

Warbixintan ay hay’addu maalinnimadii Khamiista ahayd ku soo bandhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay ku sheegtay in xuriyatul qawlka iyo xuriyadaha suxufiyiintu ay wiiqmeen tan iyo intii uu talada dalkaasi qabtay madaxwayne Maxamad Cabdulaahi Farmaajo sanaddii 2017ka.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayay ay haatan waajahayaan culaysyo ay kamid yihiin weerarrada Al Shabaab, xadgudubyo ay kala kulmaan hay’adaha amniga dalka, cabudhin iyo xadhig aan loom eel dayin taana ya in badan oo suxufiyiintan kamid ah ku khasabtay in ay dalka ka cararaan.

8 suxufi ayay warbixintu sheegtay in dalka gudihiisa lagu dilay tan iyo intii uu madaxwayne Farmaajo xilkan qabtay iyada oo ay 5 kamid ah suxufiyiintan dishay kooxda Al Shabaab, 2 kamid ah ay dileen dad aan haybtooda la garanayn halka mid kamid ah suxufiyiintan oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Qaasim Iimaan o muuqaal duube u ahaa telefishinka SBS TV uu dilay askari ka tirsan booliska federaalka dalka.

Sakariye Maxamuud Timacade oo ahaa suxufi u shaqayn jiray telefishinka Universal ayay warbixintan tusaale uga dhigtay suxufiyiinta labada dhan ee dawladda iyo kooxda Al Shabaab ahba kala kulmay handadaadyo taas oo sabatay in uu gabi ahaanba dalka ka haajiro waana culays ay warbixintu sheegtay in ay Sakariye la qabaan suxufiyiin kale oo aad u tiro badan.

Suxufi Cali Aadan Mu’min ayay sidoo kale hay’adda Amnesty International tusaale uga dhigaty suxufiyiinta ku khasbanaaday in ay hawlohooda shaqo ka dfadhiistaan kadib markii uu tacaddi aan loo meel dayin kala kulmay boolsika dalka isla markaana qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga bishii May ee sanadii 2019ka loo soo xidhay. In kasta oo Cali la sii daayay ayay warbixintu leedahay hadan dhawr maalmood ayaa xabsiga lagu hayay cinwaankiisa Facebook-gana waa laga xidhay.

Mid kamid ah agaasimeyaasha warbaahinta Soomaaliyeed oo aan haybtiisa la shaacinin ayay sidoo kale warbixintu ka soo xigatay in marar badan Xafiiska madaxwaynaha uu laaluush ku siiyay si ay u baahiyaan sheekooyin lagu buunbuuninayo wax qabadka xukuumadda federaalka dalka isla markaana ay u qariyaan oo aysna u baahinin sheekooyinka la xidhiidha musuqa, amni darrada iyo dhaliilaha kale ee ay dawladu leedahay.

Ugu yaraan 2 wariye ayay Amnestyu sheegtay in ay sanadii 2019ka shaqadooda ku waayeen kadib markii ay ku gacan saydheen awaamir faaf reebka warka la xidhiidha oo uga yimid tafaftireyaasha warbaahintii ay u shaqaynayeen.

Bogagga ay suxufiyiinta gaarka ugu keeyihiin baraha ya bulshadu ku wada xidhiidho ayay sidoo kale warbixintan sheegtay in aysan ka badbaadin cabudhintan iyada o sanadihii 2018 iyo 2019 intii lagu guda jiray ay shirakadda Facebook xidhay akoonnada ay leeyihiin 13 suxufi oo lagu dacweeyay in ay jabiyeen shuruucda Facebook u dagan hasayeeshee ay kaliya gudanayeen hawlohooda suxufinimo.

Amnesty ayaa gabagabada warbixinteedan shirkadaha leh baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ugu baaqday in ay ka feejignaadaan in loo adeegsado cabudhinta suxufiyiinta.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso