Raggii kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumad Caasho Ilyaas oo 11-ka bishan la tooganayo

Sida ay horay u shaacisay Puntland waxaa 11-ka bishaan February oo beri ku beegan la toogan doonaa saddexda xukmane ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay, marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Raggan ayaa 12-May sanadkii 2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoo xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi foosha xun.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in saddexda nin ee falkaasi ka dambeysay lagu fuliyo xakunkii dilka ahaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso