Hay’adda caafimaadka adduunka oo ka digtay faafidda cudurka Caronavirus

WHO ayaa ka Digtay in Fayruska Karoona uu ka dillaaco meel ka baxsan dalka Shiinaha iyo 60-kiis oo cusub oo laga helay dalka Japan.

Ururka Caafimaadka Adduunku ayaa si adag uga digay in Fayruska Karoona uu ka dillaaco meel ka baxsan dalka Shiinaha maadaama uu cudurkaasi si aan lagu tala galin u gaadhay dalal badan oo adduunka ka mid ah.

WHO waxay dalalka adduunka ugu baaqday inay ka feejignaadaan in cudurka Koroona uu dalalkooda ugu faafo si lamid ah xaaladada haatan ka jirta dalka Shiinaha.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Giberisos ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay jiraan kiisas naxdin leh oo laga helay dalal ka baxsan Shiinaha, haddii aan laga hortagina ay sababi karto inay ku faafaan dalalka laga helay kiisaskaas.

Tedros Giberisos ayaa intaas ku daray in waddanka Japan laga helay 60-kiis oo cusub, kuwaas oo la xaqiijiyay in si rasmi ah looga helay Fayruska Karoona, taasoo ah midda keentay inay mar kale la hadlaan shucuubta caalamka ayna u sheegaan inay ka feejignaadaan saamaynta uu cudurkaasi leeyahay.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso