Ku dhowaad 1000 qof oo Cudurka Carona ugu dhimatay dalka Shiinaha.


Waxaa sare usii kacaya halista uu geysanayo cudurka halista ah ee Carona Virus oo si aad ah ugusii dhax faafaya bulshada dalka Shiinaha.

Guddiga caafimaadka dowladda Shiinaha uqaabilsan latacaalidda Carona Virus ayaa ku dhawaaqay in dadka uu cudurkan dilay ay gaadgeen 908 qof kadib makii tobanaan qof ay shalay ku dhinteen gobolka Hubi ee dhaca badhtamaha wadanka.

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa cudurka Carona udhintay dad gaadhaya 91 qof oo dhammaantoos shiinays ah, dowladda Shiinaha ayaa iclaamisay in shalay oo kaliya uu cudurkani soo ritay illaa 306 qof dheeraad ah.

Bayaan kasoo baxay waaxda Caafimaadka Shiinaha ee loo gaar yeelay wax ka qabashada Cudurka Carona ayaa lagu sheegay in isku gayn dadka lajiifa cudurka ay gaadhayaan 40 kun iyo 171 ruux.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad halis ah ay ku suganyihiin dad gaadhaya 6484 qof oo badankood ku dhaqan magaalada Wuhan oo ah magaalo ku jirta xaalad go’doon ah kadib markii uu ka dilaacay cudurkan dilaaga ah.

Dowladda Shiinaha ayaa ku guuldarraysatay in ay xakamayso faafinta cudurkan waxaana Shiinaha gaadhay dhaqaatiir ka socda dowladaha reer galbeedka waxaana dhaqaatiirtaas horkacaya kuwa udhashay dalka Mareykanka oo xiflaatan daran kala dhaxeeyo Shiinaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso