Shir ay wada yeesheen Dawlada Somaliland,Urur gobaleedka IGAD iyo Haayada Save Children.

Shir ay wada yeesheen Dawlada Somaliland,Urur gobaleedka IGAD iyo Haayada Save Children.

Shirkan ayaa waxa gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Xasan Maxamed Cali(Gaafadhi) oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka WQHQ,Agaasimaha Guud ee WQHQ,Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga,Madaxda sare oo kala socday Urur gobaleedka IGAD iyo Haayada Save Children.

Ujeedada guud ee shirkan sadex geesoodka ayaa ahayd sidii looga wada tashan lahaa mashruuc Biyo balaadhina oo loogu talo galay dadka reer miiyiga ee kula nool qaar kamida deeganada Somaliland.

Intii uu shirku socday waxaa lagaga wada hadlay sidii loo dar dar galin lahaa isla markaana dib loogu bilaabi lahaa fulinta Mashruucan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso