Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Shahaado-sharaf ku maamuusay Maayirka Magaalada Berbera C.shakuur Ciddin.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Shahaado-sharaf ku maamuusay Maayirka Magaalada Berbera C.shakuur Ciddin.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Shahaado-sharaf ku maamuusay Duqa Magaalada Berbera C.shakuur Ciddin.

Waxaanu Gudoomiyuhu Sheegay in uu ku abaal-mariyay Wax-qabad-ka Muuqda ee uu ka Maayir-ku ka hirgaliyay Magaalada Berbera, isagoo ugu baaqay Maayirada kale ee Dalkana in ay ku daydaan.

Maayirka Berbera C.shakuur Cidin oo ka Dareen-celiyay shahaado-sharaftan, ayaa Gudoomiye Faysal uga mahad-naqay, isagoo ku tilmaamay siyaasi had iyo gooraale u taagan danta guud ee Qaranka.

Sidoo kale Maayir Ciddin wuxuu sheegay in uu ka soo baxay Xisbiga UCID, kuna shaqeeyay Siyaasadda Xisbiga UCID.

Gudoomiye Faysal ayaa booqday mashaarico waa-waawayn oo laga hirgaliyay Berbera, Sida Library-ga, Dugsiga Farsamda Gacanta, xaafado ay Dawladda Hoose dajisay Dad danyar ah oo gudaha Magaalada ah iyo goobo kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso