“Wax soo Saarka Beeraha Somaliland oo Kor u kacay Shantii Sano ee u danbeeyay” Wasiir Muumin Seed

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in Shantii sanadood ee u danbaysay wax soo saarka Beeruhu uu kordhay 67% halka labadii sanadood ee u danbeeyayna uu kordhay 100%300.

Wasiirku waxa uu sheegay in Kobaca waxsoosarka Beeraha ay ka danbaysay markii ay joojiyeen Siidhka debeda laga soo dhoofiyo oo ay daku keeni jireen kuwaas oo dalagyada ku abuuri jiray Cayayaan iyo Cuduro.

Axmed Muunin Seed ayaa bulshada Somalailand ee Beeralayda ah uga mahad celiyay tacabka badan ee ay galiyeen Beeraha isaga oo ugu baaqay in ay sanadkan 2020-ka ka sii kordhiyaan sidii hore.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Wasaaraddu dalagyo badan oo kala duwan ay ka beertay Mashaariicda ay gacanta ku hayso ee Beer, Xaaxi iyo Wajaale iyaga oo dhawaan ku wareejin doona Hay’adda ka Hortaga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka qaranka.

Axmed Muumin Seed Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland waxa uu sheegay in Ayax badan ku habsaday deegano farabadan oo kamida Somaaliland uu wax yeello soo gaadhsiiyay dalagyadii Beeraha iyo calafka xoolaha. Wasiirku waxa uu sheegay in Ayaxaasi ka Tegey koron Koro laga cabsi qabo in ay ku dilaacdo Roobabka ugu horeeya ee sanadkan waxaanu Hay’addaha Caalamiga ah ugu baaqay in kala qayb qaataan sidii looga hortagilaaha dilaacida Ayaxaasi oo laga soo sheegay deegaano ay ka mid yihiin Ceel Seekh, Lughaya, Caasho Caddo, Banka Saraar iyo oodwayne.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso