Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha & Saraakiil Wehelisa oo Socdaal ku tagay Boorama

Wefdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland oo ay weheliyaan  abaan duulaha koobaad ee ciidanka qaranka iyo saraakiil kale ayaa kormeer hawleed ku tagay magaalada Boorama.

Sida uu ku waramayo wariye Abokor Caafi oo wakaaladda wararka Somaliland ee Solna uga soo warama Boorama, Ujeedada kormeerka masuuliyiintan ayaa ku saabsanayd sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda gobolka isla markaana usoo afjari lahaayeen shaqaaqooyinka maalmahii u dambeeyay ka taagnaa dhinaca dhulka ku yaala galbeedka Boorama.

Wefdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid iyadoo ay wehelinayeen masuuliyiinta gobolka iyo dagmada waxay soo kormeereen dhulka laysku haysto ee galbeedka Boorama ku yaala.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maalmaha soo socda joogi doonaan magaalada Boorama si looo dhameeyo shaqaaqada dhinaca dhulka ee halkaasi ka taagan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso