Ruushka oo sheegay in ay  muwaadiniinteed ka daadgureydoonto  magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha

Dowlada Ruushka ayaa bilowday in ay ka saarto muwaadiniinta udhaltay dalka Ruushka ee kusugan magaalada Wuhan oo ka tirsan dalka Shiinaha.

Sidaa ay qortay warbaahinta caalamka , ciidamada difaaca cirka ee dalka Ruushka ayaa sheegay in ay qayb ka noqon doonna daadgureynta  muwaadiniinta  ku sugaan magaalooyinka Wuhan iyo Hubei ee kawada tirsaan dalka Shiinaha.

Waxaa jooga in kabada 600  oo qof  u udhashay dalkaasi Ruushka mgaalada Wuhan ,Raiisal wasaare ku xigeenka Tatiana Golikova dalka Ruushka ayaa sheegay in Moscow  horay  xayiraad usaartay  duullimaadyadii  sidaa tooska  ee lagu tagi jiray dalka Shiinaha iyo wadooyinka ay maraan Tareenada  u kala goosha labada dal ee Ruushka iyo Shiinaha.

Ayadoo ay socodan dadaallo looga hortagayo cudurka dilaaga ee  Coronavirus oo ka dilaacay dalka Shiinaha, kasoo ay kor u kacaday dhimaashada u sababay xanuunka Coronavirus waxaana laga cabsi qabo in u ugudbo guud ahaan caalamka xanuunkan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso