Wararkii ugu danbeeyay cudurka dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha.

Ugu yaraan 132-qof ayaa u geeriyootay cudurkaan in ku dhaw 6,000 bukaan ahaan ayuu u soo riday gudaha wadanka Shiinaha.

Feyriskan oo markiisii hore laga helay magaalda Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa hada ku faafay qaaradda Asia iyo wadama kale oo caalmka ah.

Waxaa xaalad cakirnan caafimaad ah ku jira ku dhawaad 60-million oo qof oo ku nool magaalooyinka waaweyn ee wadanka Shiinaha.

Marka laga tago wadanka Shiinaha waxaa jira 70 qofood oo la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurkaan kuwaas oo ku nool 17- meelood oo ka baxsan wadanka Shiinaha oo ay ku jiraan 5-meelood oo Wadanka Mareykanka ah.

Xarunta ka hortaga faafida cudurada ee Mareykanka ayaa la dagaalameysa ku sii faafinta cudurkan ee gudaha mareykanka.

Wadamo badan oo ay ka mid yihiin Mareykanaka iyo Japan waxa ay bilaabeen in mawaadiniintooda ay ka soo saaraan Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurka ka bilowday.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso