Hoggaamiyeyaasha Dunida oo si weyn uga soo horjeestay Qorshaha Trump ee ku aadan Bariga Dhexe

Madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshihiisa mudada dheer la sugayay ee ku aadan in Magaalada Qudus ay noqoto Caasimada Israa’iil.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay suurtagalnimada in Falastiin ay yeelato Dowlad madax bannaan si labada dal ay u noqdaan kuwa jaar ah oo leh labo Dowladood.

Markii uu soo bandhigayay qorshahaan waxaa Trump dhiciisa taagnaa ra’isal wasaaraha Israa’iil,Benjamin Netanyahu, oo uu ku qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka

Waxa uu ku goodiyay qorshihiisa inuu yahay fursadii ugu dambeysay oo ay heystaan Falastiiniyiinta.

Arrintaan waxaa aad uga carooday Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, isaga oo ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay “shirqool”.

“Trump iyo Netanyahu waxaa u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhammi iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” ayuu yidhi isaga oo khudbad telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha Dunida ayaa ka horyimid qorshaha Trump ee ku aadan qadiyadda Bariga Dhexe.

Advertisement

Ku Xayeysiiso