MUUQAALADA PRANK IYO SOOMAALIDA. Mawliid Maxamed Siciid

Muuqaalada Kaftan/Kediska ah ee (Prank). Iyo Soomaalida maxaa kala haysta!..

Sanadkii u dambeeyay ee 2019-ka guud ahaan Soomalida wax matasha iyo ku isticmaalaha Baraha bulshada (social media). Waxay bilaabeen Barnaamijka loo yaqaano Prank oo ah “Practical Joking”. Kaftan kediso ah oo si toosa loogu samaynaayo qof aan ogayn iyadoo loo dhigayo qorshe isla markaana laga duubaayo Camera qarsoodi ah oo aanu ruuxu dhaadanayn markaa.

Qofka markaa samaynaya barnaamijkaas waxa loo yaqaanaa “Practical Joker ama Prankster” waa mid la imanaya qorshe iyo Xeelad nooc kasta oo uu kaaga cadhaysiiyo, kaaga nixiyo ama kaaga yaabiyo isagoo arrintaasi jilaaya isla markaana ay socoto “Recording” ama duubidda muuqaalka oo qarsoodi ah. Waa mid xiiso iyo maad badan Fal celinta kasoo noqota marka dambe ee Barnaamijka la qabto iyadoo aadna loo daawado.

Qofka ama kooxda lagu samaynayo barnaamijka Kaftan/Kediska (Prank) waa mid aan marnaba ogayn waxa meesha ka socda marka aynu eegno sida xeerka u ah ee adduunka looga matalo Prank-a.

Sanadkii 2019-ka oo Soomaalidu aad u bilawday jilitaanka Kaftan/Kediska Prank, in badan oo kamid ah barnaamijyadaas oo la matalay waxa bilaa qiimo ka dhigay iyadoo sameeyay sida Riwaayadaha caadiga ah ama Aflaanta kuwaasoo lasoo bandhigo sheeko iyo shax laysla ogyahay min bilaw ilaa dhammaad. In laysla ogaado waxa la matalayo waxay meesha ka saraysaa dhadhankii iyo xiisaha uu yeelan lahaa Kaftan/Kediska Prank. “Ileen waaba wax laysla ogaaye siday uga soo bixi kartaa Falcelin lama filaan ahi!”

Jilaago Soomaaliyeed ee samaynaya Kaftan/Kediska Prank (Practical joker) waxa uu judhaba kuu sheegaya “Maanta waxaan samaynayaa Prank” inyar marka aad fiirsato waxa uu noqonayaa wax iska socda uun oo bilaa xiiso ah. Arrintan samaynta Kaftan/Kediska waxay u bahaan tahay qof hibo h leh matalaadda isla markaana xirfad leh oo wax xaqiiqo ah ka sameeya Prank.

Mawliid Maxamed Siciid.

Advertisement

Ku Xayeysiiso