maxa u dhexeeya mucaaaradka maanta iyo kii kulmiye

asc dhamaan bahda togaherer iyo  akhtaarta ku xidhan

waxan maqaal kooban kaga hadli doonaa maxaa u dhexeeya xisbigii kulmiye markuu ahaa mucaaradka ee silaanyo hogaaminayay iyo xisbiyada maanta mucaaradka ah ?

sida aynu ogsoonahay waxa jira laba xisbi mucaarad iyo xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye,hadaba bmarkaad eegto habka aynu u dhaqmayaan labada xisbi mucaarad iyo qaabkii uu u dhaqmayay kulmiye markii uu hogaamianay silaanyo waxa u dhexeeya waxyaabo fara badan.

waa ta koobaade kulmiye waxa uu aaminsnaa in la gaadhay wixii loo soo dagaalamay oo nahaa xoriyad iyo qaran aan leenahay oo aan labadiiba haysano

talabaad waxa uu dadka u sheegay balan qaad calaa tuulo ku salaysan

ta sedexaad waxa uu dadweynaha ka dhaadhiciyay in shayga waxa lagu badelayaa yahay codka ee aanay ahayn dagaal iyo wax la mid ah

ta afraad waxa ay kasbadeen badi bulshada taageeradeeda.

hadaba dhamaan waxyaabaha aan oo sheegay waxa laga dhex arki karaa hadalkii uu siilaanyo ka jeediyay magaalada allay- baday  bishii june 7 /2010kii, waxana uu yidhi:

Walaalayaal Allaybaday Aniga taariikh fara badan bay ii leedahay aniga oo halgankii SNM Gudoomiye ka ah ayaan halkan imi, waxa aynu usoo halgamaynay su’aashu waxa weeyi maanta mahaynaa mid waynu haynaa haa waynu haynaa Madaxbanaanidii somaliland waynu ahaynaa n dawladbaynu nahay calanbaa inoo taagan qaranbaynu nahay marka aynu eegno waxa mandaqada aynu kunoolahay waxa ka dhacaya meel inaga xasilooni majirto se maxaa inaga dhiman waxa inaga dhiman Maamulkii dawladeed ee qaban lahaa khaanibaadka Aasaasiga ah ee umada iyo shacbiga loo qaban lahaa wixii shacbigu sugayay ayaynu maanta laanahay waa Tacliintii,waa Waddooyinkii, waa wax qabashooyinkii kale, waa taakulooyinkii ganacsatada, iyo Umada inteeda kale waxaynaan ahayni waxa weeyi xilalkii laga sugayay Qaranka Somaliland dawlada maanta jirta waxaynaan hayn Ictiraafkii aynu u halgamaynay ee inagu dhexdari lahaa quruumaha kale ee madaxa banaan ee caalamaka waxa weeye dawladan Mudada dheer joogtay ee wax leh wax ay qabatay jirin ee dhalinyaradeenii maanta tahriibayso wadooyinkeenii aynu aragno ee xaalada dalkeenu ku sugan yahay aynu aragno waa mid ayaan daro ah weeye.waxa aynu maanta gaga baxaynaa waxa weeyi inaga oo si Dimuquraadiya oo codkeena bixina oo u marina halgan kale iyo dagaal kale oo codkeena ku badala ,Codkaana maanta waxa aanu doonaynaa in aad nasiisaan haddii aanu nahay Xisbiga Kulmiye

hadaba markaad eegto waxyaabahaas oo dhan waxa ay aniga ila tahay in xisbiayada mucaaradku la yimaadaan balanqaadyo cad oo ay dadku ku dooramn karaan isjkana dhaafaan waxyaabahan hoose ee ay ku foogan  yihiin.

 Alaa mahad leh

Abdilahi Ali Derie

Tel:  4465037 

email:  Abdilahi_3@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso