Naadin Xubno Cusub oo loo Qaadanayo Ciidanka Cusub ee Gobolada Sool iyo Sanaag

                                                                        16/01/2020

Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu Naadinayaa xulashada xubnaha cusub ee loo tababari doono Ciidanka Dab-demiska Gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo tiradoodu kala ah 25 Xubnood oo loo tababarayo Gobolka Sool iyo 25 Xubnood oo loo tababarayo Gobolka Sanaag.

Hadaba Cidii dananaysa in ay ka mid noqoto xubnaha loo tababari doono Ciidanka Dab-demiska Goboladaas, waxay codsiyada iyo araajida ku soo hagaajin doonaan xarunta Dowlada hoose ee Laascaanood iyo xarunta Badhasaabka Gobolka Sanaag taasoo socon doonta Muddo 5 Maalmood laga bilaabo taariikhda 16/01/2020 ilaa 20/01/2020.

Shuruudaha Qaybta 1 aad ( Shakhsiyada Qofka )

Inuu yahay Muwaadin Somalilander ah, haysatana kaadhka Dhalashada Somaliland ( National ID Card)In aanu xukun maxkamadeed ku dhicin 2 ilaa 3 dii Sanadood ee u dambeeyay.Inaa aanuu lahayn balwad sida Jaadka, Sigaarka IWMIn Da’diisu aanay ka yarayn 18 Sanno kana weynaaan 25 Sanno.In uu leeyahay aqoon ugu yaraan Dugsi sare ama wax u dhigmaIn aanu dhererkiisu ka gaabanayn 1.75m, Miisaankiisuna ka yaraan 65 Kg.In laga qaado Imtixaam orod, culays qaadis, Diin, Taariikh iyo Xisaab.In aanuu shaqo kale haynin, Waxbarashana u socon.Inuu la yimaado 2 Sawir oo kur ah iyo aqoonsiga shahaadada asalkeeda.

Shuruudaha Qaybta 2 aad ( Caafimaadka Qofka )

Qof Jidh ahaan Caafimaad qaba Qof Maskax ahaan Caafimaad qaba.Waa in qofka laga qaado baadhitaan caafimaad oo iskugu jira baadhitaanka cudurada kala duwan iyo baadhitaan maskaxeed.In ay caddaato ka bad-qabka cudurada faafa sida ( TB, Hepatitis C,B iyo HIV).In quwadda caafimaad ee jidhkiisa adkeysi u leedahay neefsiga xaaladaha culus.In jidhkiisu bedqabo dhaawac muuqda iyo mid qarsoona laheyn.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso