Daaciga weyn ee Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat oo madaxa laga toogtay

Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in nin hubaysan oo aan heybtiisa lagaran uu weerar ugeystey Sheekh Daaci caan ka ah caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika.

Saraakiisha Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ruux hubeysan uu toogasho ugeystay Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat xilli uu ku sugnaa magaalada Duban ee wadanka K.Afrika.

Ehellada Sheekh Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in ruux aan heybtiisa lagaran uu madaxa ka toogtay Sheekh Yuusuf oo ah 65 sana jir uu dhalay Daacigii caanaka ahaa ee Sheekh Axmd Diidaat.

Wakaaladda wararka Anaadool oo soo xiganaysa ehelka Sheekha laweeraray ayaa sheegtay in xaaladdiisa caafimaad ay aad uliidato islamarkaana dhaawac culus uu kasoo gaadhay madaxa.

Sheekhan laweeraray ayaa caan ka ahaa magaalada Durban wuxuuna imaam ka ahaa Masjidka ugu weyn magaalada isagoo faafin jiray diinta islaamka .

Sheekh Axmed Diidaan oo dhalay sheekh Yuusufka xalay la dhaawacay ayaa geeriyooday sanaddii 2005-tii wuxuuna ahaa caalim doodo la galay Baadariyada Kirishtaanka iyo Yahuudda.

Axmed Diidaan ayaa sabab unoqday in ay diinta Islaamka soo galaan malaayiin qof oo horay gaalo u ahaa, muslimiinta caalamka ayaa baraha bulshada ugu duceynaya Sheekh Yuusuf Axmed Diidaat oo illaa iyo hadda aan la ogeyn cidda mas’uulka ka ah weerarka lagu khaarijin rabay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso