Xeer Ilaaliyaha Guud oo War ka soo saaray Dilkii Saaka lagu fuliyey Lix Maxbuus


Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Goobta Qisaasta
Waxaa dilkaas Toogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

Advertisement

Ku Xayeysiiso