Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 3aad

                                                   Jan 2020

(Somaliland waxaa nooga yimid,dad waalan oo yaacaya,oo ku qaylinaya -erayga Soomaaliweyn…sidaa waxaa  yidhi qaar ka mid ahaa Siyaasiyiintii  ugu caansanaa Soomaaliya ee 1960)

 

 

is fahan la,aanta iyo dhibaatada Somaliland iyo Soomaaliya waa mid soo bilaabatay 1960,ee maaha mid dhowaan bilaabatay.Waxaa fiican in guud ahaan Soomaalida iyo caalamkuba sidaa loo fahansiiyo.

Qaybahan dambe ee qoraaladayda wxaa xooga saarayaa in aan ku fahansiiyo kala duwanaanshaha dhinaca fikir ee Somaliland iyo Soomaaliya,kaas oo soo bilowday 1960.

Sida laga wada dheregsan yahay,Somaliland waxay xoriyada ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska 26 Juun 1960.Afar(4) maalmood ka dib waxay si dhib yar oo aan wax shuruud ah lahayn ula midowday Soomaaliya.

 

 

 

 

 

01 July 1960,waxay isu jirtaa dhowr munaasibood,oo kala ah:-

Waa maalintii ay Soomaaliya xoriyadda ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga.Waa israacii amase midowgii Somaliland iyo Soomaaliya.Waa maalintii ay Somaliland   tuurtay amase lumisay xoryadii ay ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska.Waa maalintii ay Soomaaliya , Goolkii  ugu fiicnaa ee dhinaca siyaasada  ka dhalisay Somaliland iwm.

Somaliland maxay ula midowday Soomaaliya 4 July1960 oo ay doonaysay (aaminsanayd)?

Xilligaa ay midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya,oo ahayd xilligga uu bilowday dhibka manta taagan,Somaliland waxay rabtay amase aaminsanayd :-

In midowga Somaliland iyo Soomaaliya uu horseedo amase uu bilow u noqdo  in ay midoobaan 5tii(shan Soomaaliyeed) -Jabuuti-NFD iyo Kililka 5aad ee Itoobiya.In la helo ,laysu raadiyo Soomaaliweyn,lagana dhabeeyo fikirkii ah Soomaaliweyn.In la helo Dowlad xoog weyn oo ka hano qaada Geeska Africa,lana hirgeliyo fikirkii aqoon yahankii xilligaa ee Somaliland ku noolaa oo aad u rumaysnaa fikirka Soomaaliweyn.

 

Soomaaliya fikir noocee ah ayey ka qabtay midowgii         01 July 1960?

Sida aan Afkooda ka hayo  Siyaasiyiin magac weyn ku leh Soomaaliya amase aad Idaacadaha ka dhagaystay,gaar ahaan BBC Soomaali,fikirka Soomaaliya ka qabtay midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ,wuxuu ahaa mid aad uga fog  fikir ahaan ,wixii Somaliland doonaysay,waxaana ka mid ah:-

Soomaaliya waxay u arkayeen guud ahaanba reer Somaliland dad waalan,oo aan garanay macnaha Xoriyadu leedahay.Waxaa loo arkayey reer Somaliland,in Shacabka,Siyaasiyiinta,iyo aqoon yahankooduba aanay garanayd macnaha Dowladnimo,Soomaaliya ma doonaynin,mana ka jirin fikirkii ahaa Soomaaliweyn ee ay la ordayeen reer Somaliland.Isku soo wada duub oo reer Soomaaliya,waxay ka aaminsanaayeen Somaliland  “dad waalan… oo aan weli u bislaan in ay Xoriyada qaataan”.Wax shuruud ah ,ma wadan reer Soamaliland—waxaa yidhaahda reer Soomaaliya.

Halkaas buu ka soo bilowday,qasaarihii ka dhashay ,Xoriyadii—Israacii iyo kala fogaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee ilaa maanta taagan.

Yaa  u sabab ahaa in Somaliland la midowdo Soomaaliya.

Waxyaabihii u sabab ahaa midowgii Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ka mid ahaa:-

Fikirkii  Soomaaliweyn oo ay qabeen aqoon yahankii Somaliland ee xilligaa.Shacabka reer Somaliland oo qiimo weyn la lahayd midowga walaalaha Soomaaliyeed.Siyaasiyiin xil iyo mansab weyn ka doonayey ,in ay xil weyn helaan ma la midoobo.

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman

 —- la soco qaybt 4aad (waxaan in badan xooga saari doon fikirada kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya)

Advertisement

Ku Xayeysiiso