Shacabka Iiraan oo dhigaya dibad baxayo ka dhan ah Xukuumadda Iran.

Malaayiin qof Iiraaniyiin ah ayaa dibad baxyo waaweyn ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee wadankaas waxayna dibad baxyadooda ugasoo horjeedaan hoggaanka wadanka maamula.

dibad baxyada oo ay soo abaabuleen guddiyada Ardayga jaamacadaha ayaa lagu dhaliilsanyahay siyaasadda adag ee dowladda Iiraan kula tacaamulayso mucaaradkeeda.

Shacabka dibad baxyada rabshadaha wata ka qeyb qaadanaya ayaa si kulul udhaleeceeyay tallaabadii ay ciidamada Melleteriga kusoo rideen diyaarad rakaab ah oo laga lahaa wadanka Yukreen oo dadkii ku dhintay ay u badnaayeen dad Iiraaniyiin ah.

Wariyaal ayaa soo sheegay in dibad baxayaashu ay goob fagaare ah ku gubeen sawirka Qaasim Suleymaani Jeneraalkii hoggaaminayay Feylaq Qudus ee dhowaan lagu dilay duqeyn ka dhacday wadanka Ciraaq.

Ciidamada Booliska dowladda Iiraan ayaa shalay si KMG ah uxidhay safiirka dowladda Ingiriiska ufadhiya magaalada Dahraan kaas oo lagu eedeeyay in uu taageeray dibad baxyada wadanka ka socda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso