Maraykanka oo Sheegay in uusan ogayn qorshe Iiraan Ku Weerarayso safaaradihiisa Caalamka.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuusan arkin  xog ay ka heleen ama ka timid saraakiisha sirdoonka maraykanka taasoo tilmaamaysa in Iiran ay qorsheyneysay inay weerarto afar safaaradood oo maraykanku ku leeyahay dalalka caalamka, arintan oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u tilmaamay kadib dilkii General Qaasim Suleymaani.

Esper ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Trump ku raacsan yahay xogta tilmaamaysa inay dhici karaan weerarro kale oo lagu qaado safaaradaha Mareykanka ee caalamka,laakiin ilaa hadda ma muuqdaan tallaabooyin ka dhan ah safaaradaha America ee caalamka.

Xoghaye Esper ayaa intaa ku daray in dhamaan safaaradaha maraykanka ee caalamka uu la wadaagay arrimaha tilmaamaya suurta galnimada inay dhici karaan weeraro ka dhan ah safaaradaha isla markaana uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Wixii ka danbeeyey markii la xaqiijiyey geerida Qassem Soleimani oo ku dhintay duqayn xagga cirka ah oo Mareykanku ka gaystay caasimadda ciraaq ee Baqdaad, waxaana dawladda maraykanku ay u aragtaa dilka sulaymaani in ay ka hortageen khatar halis ku ahayd dibloomaasiyiinta

iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dhamaan dalalka bariga dhexe.

Advertisement

Ku Xayeysiiso