Madaxda Ukrain oo dalbaday in iiraan ay magdhow ka  bixiso diyaaraddii lagu soo riday dalkaasi

Madaxweynaha Dalka Ukrain oo Sheegay in Dawladda iiraan Laga Rabo Magdhow Ay ka Bixiso Diyaaraddii Ukrain ee ay soo Rideen Ciidamada iiraan.

Madaxweynaha dalka Ukrain Volodymyr Zelensky oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in Dawladda iiraan ay qiratay inay iyadu ka danbaysay diyaaraddii rakaabka siday ee laga lahaa dalka Ukrain taasoo lagu soo riday gudaha wadanka iiraan.

Zelensky ayaa tilmaamay in shacabka iyo dawladda Ukrain aysan ku qanci doonin qirashada dawladda iiraan ay qiratay inay diyaaraddaas soo rideen ciidanka iiraan, balse waxaa laga doonayaa inay magdhow rasmi ah ka bixiso diyaaraddaas.

Madaxweynaha Ukrain wuxuu hadalkiisa ku daray in arrintaasi ay ahayd gardarro cad oo qarsoodi lahayn, maadaama dawladda iiraan ay ka warqabtay in diyaaraddaasi ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee dahraan isla markaana ay kusii jeeday waddanka Ukrain, waxyar kadib markii ay garoonka kacdayna ay si bareer ah usoo rideen ciidamada iiraan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso