Dowladda Iiraan oo qiratay in ay soo ridday diyaaraddii Yukreen ee dadka badan ku dhinteen.

War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in diyaaraddii lagalahaa dalka Yukreen ee dhawaan kusoo dhacday duleedka magaalada Dahraan ay si khalad ah usoo rideen ciidamada Iiraan.

Xasan Ruuxaani ayaa bayaan uu soo saaray oo laga akhriyay Telefeshinka rasmiga ah wuxuu ku qiray in diyaaradda ay dhulka soo dhigeen ciidamada cirka Iiraan kadib markii ay kusoo dhowaatay saldhig melleteri.

“Diyaaradda Yukreen ee burburtay isbuucii lasoo dhaafay waxay ku duushay meel xasaasi ah oo ay kuyaallaan saldhigyo melleteri kadibna ciidamada Iiraan ayaa si khalad ah usoo riday” sidaas waxaa yidhi Xasan Ruuxaani.

Madaxweynaha Iiraan wuxuu sheegay in lala xisaabtami doono saraakiisha melleteriga ee mas’uulka ka ahaa shilkaas wuxuuna carabaabay in maxkamad lasoo taagi doono.

Diyaaraddan lasoo riday waxaa saarnaa 176 qof rakaab ah oo badankood kasoo jeeday wadamada Canada,Iiraan iyo Yukreen, xilligii lasoo ridayay ayay Iiraan weeraro sawaariikh ah ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq.

Madaxweynaha dalka Yurkreen oo ka hadlayay qirashada Iiraan ee soo rididda diyaaradda ayaa sheegay in ay dalbanayaan cudur daar rasmi ah oo qaab diblumaasiyadeed ah iyo in magdhow lasiiyo ehellada dadkii ku dhintay diyaaradda lasoo riday

Advertisement

Ku Xayeysiiso