Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Fulisay Dekeda Berbera 2019-kii.

 

Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Fulisay Dekeda Berbera 2019-kii.

Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh, ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera sanaadkii aynu soo dhaafnay 2019-ka Dekeda Berbera waa mid tiro badan, balse waxaynu u kala qaadaynaa dhowr qaybood inagoo qodob-qodob u dul istaagi doonaa adeegga sannaadkaa tagay ay ka fulisay Dekeda Xukuumada Somaliland, iyaddoo aynu ku koobnaan doono waxqabadka u gaarka ah qaybta ay Maamusho dawladdu, maadaama oo ay dekedda hadda wada-maamulaan Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxaynu Barnaamijkeenan kusoo qaadan doonaa isbedelka horumarineed ee ay ku talaabsatay Dekeddu mudada uu maareeyaha ka ahaa Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara hoggaaminta Dekedda, isagoo sanaad gudihii ku gaadhsiiyey Dekedda darajooyin ay gaadhi-wayday 27-kii sanaadood ee Somaliland jirtay.

Waxana isbedelada ka muuqda kamid ah Faraca-bada ee ay Somaliland maamusho oo xukuumaddu ku samaysay horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah, xaga shaqaalaha oo si weyn loo kobciyey aqoontooda, isla markaana mudo dheer oo sanaad iyo bilo ah gudaha dekeda Berbera tabobar uga socday, waxanay Maanta Yihiin shaqaale leh Xirfad shaqo oo dhamaystiran. Sidaas daraadeed waxan si kal iyo laaba u boggaadinayaa Maareeyaha Dekeda Berbera, oo Dekeda Berbera Siciid Xasan waxqabadkiisa iyo hanaankiisa masuuliyadeed inta badan uu soo jiitay qaybaha bulshada caafimaadka qabtaa ee aragta wanaaga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxyaabaha layaabka leh ee bulshadda Somaliland sida weyn usoo dhoweysay waxa kamid ahaa Safarkii Taarikhiga ahaa ee Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi kuwasoo maray Xeebta Galbeed ee Somaliland isagoo safarkaas diirada ku saaray xog-ogaal u noqoshada Dekeda Saylac, iyo sidoo kale Noobiyadda ku taala Jasiirada Ceebad, taasoo ah mid waqti hore ka dhisay oo taarikhiya, isla markaana ay kusoo hirtaan Marakiibta maraya Marin-biyoodka Baabul-mandab. Waxanu Safarkaasi noqday mid noociisu ku cusub yahay Taarikhda Geeska Africa, waana markii ugu horaysay ee masuuliyiin shaqada hayaa safar sidaas u dheer ku maraan Biyaha Badda.

Dhinaca kale, waxqabadka mugga leh ee Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi ku sameeyey Dekedda Berbera, waxa kamid ah isbedel dhinaca shaqadda iyo waqtiga ah oo ka hirgeliyey. Dekedda Berberi waxa ay hore u ahaan jirtay mid shaqeysaa saacadaha Maalintii uun, balse Maareeyaha Dekeddu waxa uu ka hirgeliyey nidaam casriya oo dekeddu kaga dayanayso dekedda dhiggeeda ah ee geeska, iyadduu muddo sided bilood ah, Dekeddu shaqeyso 24-ka saacadoodba, isla markaana ay is bedelaan sadex qaybood ee shaqaale ah, maalin iyo habeenbaa, iyaddoo koox kastaaba shaqayso 8-saacadood sida aduunweynaha oo kale. Nidaamka dhinaca waqtiga ee shaqada dekeddu waxa uu wax wey ka bedelay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka iyo isticmaalka dekedda Berbera, waxana kor-u-qaadmay badeecadaha laga soo dejiyo, iyadoo sidoo kalena ay kusoo xidhaan dekedda habeen iyo maalinba Maraakiibtu. La soco qaybaha dambe

Waa Bilahii Tawfiiq.

Cabdifatax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland 

Advertisement

Ku Xayeysiiso