Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Afhayeenka Xisbiga Mudane Barkhad Jaamac iyo Xoghayaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdilqaadir Iidle ayaa galabta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Ambassador James Swan iyo wafti uu hoggaaminayo.

Madaxda Xisbiga WADDANI iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xidhiidha geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya sidii dib loogu bilaabi lahaa, iyo sida oo kale waxa ay isla gorfeeyeen sidii loo ambaqaadi lahaa dedaalada loogu jiro in dalka ay ka qabsoonto doorashada wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee sannadkan 2020-ka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso