Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo Qalab Ciidanka Dab-demiska Togdheer loogu talagalay Ku Wareejiyay Maamulka Gobolka.

Togdheer_ Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa manta Qalab loogu talagalay Ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer ku wareejiyay Maamulka Gobolka Togdheer gaar ahaan Badhasaabka Gobolka iyo Duqa Degmada Burco.

Qalabkan oo ah nooca lagu damiyo Dabka noocyadiisa kala duwan iyo Qalab Isgaadhsiineed ayaa waxaa Taliyaha ka Gudoomay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer isagoo ku wareejiyay Ciidanka Dab-demiska Gobolka.

Masuuliyiinta ayaa dhamaantood si iskugu mida uga wada hadlay muhiimada Qalabkani u leeyahay horusocodka iyo habsamida shaqada ciidanka Dab-demiska ee Gobolka. Sidoo kale waxay masuuliyiinta gobolku ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan wadashaqaynta ay la leeyihiin Ciidanka Dab-demiska.

Guud ahaan Qalabkaas ayaa ay la wareegeen Masuuliyiinta Ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso