Madaxweyne Muusow, Mudane Masaajidka Ciyaarta ka Daa’! 

Marka hore Waxaan canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay xubnaha kamid ka ah Xisbiga qaran ee Wadani, muwaadiniintaa oo haba yaraatee iyaga oo wax fal danbiyeed ah gelin xabsiyada loo taxaabay, iyo dhamaan muwaadiniinta sifaha sharciga baal marsan lagu xidhaayo iyo kuwa lagu xanibaayaba, waana in dhamaan Muwaadiniinta aan wax galabsan xoriyadoodii lasiiyaa. 

Dhanka kale waxaan canbaaraynayaa xukuumada Jamhuuriyada Somaliland talada u igmatay, ee siddii Hal baadiya oo rajo laga lahayn Shuruucdii Dalka Gujada ku maalaaya, ee amar ku taaglaynta iyo tiiqtiiqsiga ku dhaqmaaya ee karoonow, Dulqaad iyo Kusoo Hirasho toona lahayn,ee Ummadii kala irdhaynaysa. 

waxa maalinba maalinta ka danbaysa isasoo taraaya, muran ku salaysan shuruucda iyo qaynuunka distooriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland u yaala, kaas oo ay ka dhex aloosanyahay muran ba’ani Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Haddii aad u kuur-gasho waxa uu salka ku hayo is maanshaafka jira, waxa weeye axsaabta Mucaaradka ah oo leh sharciga hala raaco iyo Xukuumada oo leh siddaan doono ayaan yeeli, Bal mucjisada Illaahay Xukuumad sharciga dhowrta oo hirgelisa, oo shacabka farta, baa la ogaaye, Xukuumad mucaaradkii sharciga aynu raacno ku leeyey oo kula gorgortamayaan waa Kow!. 

Dhanka kale hab dhaqanka masuulnimo iyo maamul ee Madaxweyne Muuse waxa aad is odhanaysaa, Tolow Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu yahay Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ma ogseenee Hala ogay siiyo, iyo Alla yaa u sheegaa? !, Siddoo kale Haloogu dhaarto inaanu afganbi ku qabsan iyo inqilaab milatari, ee uu ku yimi cod shacab oo ay u foodeen Muwaadiniin si Dimuqraadiyad ah, hana loo sheego inuu Madaxweynihii Shanaad ee Jamhuuriyada Somaliland yahay, oo dastuur iyo Shuruuc Dalka uu u yaalo, isagana loo igmaday oo waajib ku tahay in uu xeerka qaranka Somaliland dhowr, oo caddaalad, sharci iyo Run ku hogaamiyo Dalka mudo xillleedkiisa, siddii kuwii kaa horeeyey iyo haduu eebe idmo kuwa kaa danbeyn doonaba,

Xukuumadu waa inay jahawareerka iyo xaal abuurka joojiso, oo muwaadiniinta xaqooda inta la duudsiiyo  been abuurka lagu xidhaayo la joojiyaa, xukuumadan leh mudaharaad baa lagu baaqay yaa ku baaqay? Muwaadin kasta oo taageera Xisbi qaran oo bixiya khidmada joogtada ah ee Xisbi ka mid  ahaanshaha lagu bixiyo, teesarada Xisbiga qaatay, xaq waxa uu u leeyey haddii Gudoomiyaha Xisbi ama Madax Xisbi iskugu baaqdo goobta Xisbiga inuu ka xaadiro, ciddii iska hor taagtaana ay sharciga baal marsantahay, waayo urur ama Xisbi Ummad leedahay ha ahaato mid Ardaa, mid ganacsi, mid waxsoosaar ama mid siyaasadeed, xaq waxa ay u leeyihiin iyaga oo cidna amar ka qaadanayn inay xaruntooda iskugu yimaadaan, oo arin iyo wax sheeg iyo wax istarba ku qabsan karaan xaruntooda, ciddii is hortaagtaa ay tahay siddii Cid Gurigaagii qoyskaagii ka hor istaagtay oo ma geli kartaan tidhi. Se haddii ay iskugu baaqaan goob aanay lahayn sidda madaxtooyada horteeda ama shaaricyada magaalada waa mudaharaad oo waa in ay fasax ka helaan laamaha ay quseyso ee xukuumada, se beenta cad ee Xukuumadu faafinaayso ha joojiso, oo muwaadiniinta xarumahooda ku kulmaaya yaan mudaharaad lagu sheegi, 

Hadal iyo dhamaan sharciga haloo noqdo oo Bal xukuumaddii waatan sharci xoor noqotay, ee durdurinaysee, waa geel duqdiisii durdurisay ale ha sahlee, Mudane Madaxweyne dadkii wey cabudhsanyihiin oo naqaskaa haya, caddaalad daro baahsan baa jirta, amar ku taaglayn qayaxan, dayac iyo darxumo Dalka ka jira, Garsoorkii oo gebi ku dumay, Shuruucdii oo xukuumaddii ku tumatay oo komiishan jujuub lagu ansixiyey, oo masuuliintii  qaran milgihii iyo maamuuskii ay lahaayeen oo la laalay kol hadii Madaxweyne ilaaladii hogaamiyaasha Xisbiyada qaran aad farta ugu yeedhay, Waar ileen alaab aad meel dhigatay oo aad qaadanaysana ileen Cid baa la ogaysiiyaa, Mudane Madaxweyne adaa Dalka maamula oo Madaxweyne ka ah mudo xileedkii laguu igmadayna intii badnayd baa hadhay e, hayskusoo uruurin sidda cinjirka e, Madaxweyne Muusow, Mudane Masaajidka Ciyaarta ka Daa!. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso