Hawlwadeenno ka tirsan Dawladda Somaliland oo Deeq Waxbarasho ka Helay Jaamacadda Maqale ee Itoobiya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaciil, ayaa garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ka ambabixiyey shaqaale ka tirsan Wasaaradaasi oo waxbarasho ugu baxay dalka Itoobiya.

Kooxdan ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda horumarinta Biyaha JSL oo soo baran doona aqoon  la xidhiidha Biyaha oo ay ka baran doonaan Jaamacada Maqale ee dalkaasi Itoobiya. Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegan tahay wakhti Wasaaradda Biyaha iyo Maamulka Jaamacadda Maqale kala saxeexdeen heshiis waxbarasho oo dhinaca biyaha ku saabsan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL Maxamed Yuusuf oo kula dardaarmay  shaqaalaha ay direen inay ka soo faa;iideystaan oo ay dalka u soo bartaan culuumta biyaha iyo maamulkooda.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Shaqaalah Wasaarada Horumarinta Biyaha  Axmed Maxamed Cali ayaa masuuliyiinta sare ee Wasaaradaas  uga mahadceliyey siday ugu dedaalayaan kor u qaadista xirfada shaqaalahooda.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso